Maamulka Galmudug oo mamnuucay baabuurta sidata taargada Puntland

by admin | Monday, Jan 26, 2015

Galkacyo; HN;- Maamulka Galmudug, ayaa wuxuu ka horyimid in gaadiidka wata taarigada Puntland, ay gudaha u soo galaan deegaanada ay ka arrimiyaan, iyagoona sheegay inuu jiri doono ganaax lacageed.

Taliyaha Ciidanka Ilaalada Wadooyinka Galmudug Maxamed Maxamuud Cabdulle, oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Koonfurta Magaalada Galkacyo, ayaa wuxuu kaga dhawaaqay inaanay gawaaridaasi soo geli karin dhulka ay Galmudug ka arrimiso.

Taliyaha, ayaa waxa uu tani ku sheegay go’aan ka soo baxay Madaxda Maamulka Galmudug, haddii gaadiidka ay gudaha u soo galaan deegaanada Galmudug, in lagu ganaaxi doono soddon dollar oo lacagta Mareykanka ah iyo 24 saac oo xabsi ah, oo lagu xukumi doono wadaha gaarigaasi.

Maxamed Maxamuud Cabdulle, ayaa ku waramaaya in Galmudug ay ka daashay gaadiidka sida joogtada ah kaga imaanaaya dhulka Puntland, iyagoo wata taarigada Maamulka Puntland.

Cabdulle ayaa ku celceliyay haddii gaadiidka aynaan wajihi karin ganaaxa ka dhanka ah, inaanay gudaha u soo gelin deegaanada Galmudug, haddii kalana ay iska soo dhigaan taarigada Puntland.

Waxaa baryahan jiray qilaaf u dhexeeya maamlada Galmudug iyo Puntland kaasoo salka ku hayo maamulka gobolada dhexe ee la filayo in laga hirgaliyo gobolka Mudug iyo Galgaduud.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!