Maamulka gobolka Bakool oo sheegay in ay hakad-galliyeen howlgaladii ka socda gobolka

by admin | Thursday, Jul 24, 2014

Bakool  : HN :– Mas’uuliyiinta maamulka gobolka Bakool ayaa shaaciyay in ay hakad galiyeen howlgaladii militari ee ka dhanka ahaa sidda ay hadalka u dhigeen Al-shabaab  tan iyo marii ay bilaabatay bisha Ramadaan.

Max’ed Cabdi Tall oo ah guddoomiyaha gobolka Bakool oo warbaahinta wareysi siiyay isagoo ku sugan degmada Xudur ee xarunta gobolkaas ayaa sheegay in tan iyo markii ay billaabatay bisha Ramadaan ay hakad ku jireen howl-galladii milateri ee ay kaga horjeedeen Al-shabaab.

Waxaa uu sheegay guddoomiyaha in ay jiraan xubno ka tirsan Al-shabaab oo isku soo dhiibay maamulkooda kaasoo uu ka mid yahayOLYMPUS DIGITAL CAMERA sarkaal horay guddoomiye uga ahaa degmada Xudur oo ku biiray Al-shabaab, balse dib ugu soo laabtay deegaankiisii iyo dadkiisii, isagoo sheegay inay si nabad ah ugu noolaan doonaan deegaannadooda.

“Ragga isa soo dhiibay waxaa ay markii hore u yimaadeen dad deegaanka ah oo ceel biyo ka dhaansanaya iyagoo baxsad, inaga ayayna markii dambe noo yimaadeen, waana soo dhaweynay, haddana Xudur ayay ku sugan yihiin,” ayuu mar kale yiri guddoomiyaha gobolka Bakool.

Al-shabaab wali kama aysan hadlin saraakiisha xoogaggeeda ka tirsan ee la sheegay inay isku dhiibeen dowladda Soomaaliya horraantii toddobaadkan, iyadoo horay u jireen xubno ka tirsan Al-shabaab oo dowladda isku dhiibay.

Gobolka Bakool ayaa tan iyo horraantii sannadkan waxaa ka socday dagaallo u dhexeeyay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa ka socda Itoobiya ee ka tirsan AMISOM iyo xoogagga Al-shabaab, iyadoo joojinta howlgalkaas ay noqonayso markii ugu horreysay oo uu ku dhawaaqo guddoomiyaha gobolka Bakool Maxamed Cabdi Tall.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!