Maamulka gobolka Banaadir oo burburiyey dhismooyin sharci darro ah

by Yahye | Sunday, Jan 18, 2015

Muqdisho; HN;- Ciidanka ilaalada gobolka Banaadir ayaa howlgal lagu burburinayo ganacsiga sharci darrada ah ee ku yaalla hareeraha waddooyinka waxay ka sameeyeen waddada Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho.

Howlgalka ayaa waxaa laga fuliyay inta u dhexeysa isgoysyada Jubba iyo Dabka.

Taliyaha ciidanka ilaalada deegaanka Xamar Gaashaanle Sare Axmed Xuseen Mahdi ayaa warbaahinta u sheegay in howlgalka ay kaga gol leeyihiin sidii dib loogu soo celin lahaa bilicda waddooyinka, isagoo xusay in caasimadda ay u diyaargaroobeyso marti-gelinta shirar heer caalami ah.

Taliyaha ayaa tilmaamay in howlgalka uu sii socon doono tan iyo inta laga soo celinayo bilicda waddooyinka.

Kaaliyaha duqa magaalada Muqdisho ee dhanka dowladda hoose ee Xamar Sheekh Cumar ayaa isna dhankiisa sheegay in la burburin doono dhammaan goobaha ganacsi ee sida sharci darrada ah loogu dhisay hareeraha waddooyinka.

Wuxuu tilmaamay in howlgalka uu yimid kaddib amar ka soo baxay xafiiska guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen Muungaab.

Hiiraan Net

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!