Maamulka gobolka Banaadir oo sheegay in la xiray ceelashii ay dadka ku sumoobeen

by admin | Friday, Dec 12, 2014

Muqdisho : HN :– Max’ed Xassan Xusseen Muungaab oo ah guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir ayaa sheegay in ay wadaan baaritaan ku aadan Ceelal l sheegay in ay ku sumoobeen dad rayid ah degmada Yaaqshiid gaar ahaan waaxda Juungal.

“Xaafada Juungal ee degmada Yaaqshiiq ayaa cudur u eg shuban biyood dadku ku wada dhacay, qaarkood xaafadaha ayay ku dhinteen, Maamulka Gobolka Banaadir wuxuu deg deg gurmad ugu fidiyay dadkaas, ilaa 97 ruux ayaa la dhigay Isbitaalada, SOS, Carafaat iyo Banaadir”ayuu yiri Gudoomiyaha Gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha oo wax laga weydiiday in biyahu ahaayeen kuwo sumeysan ayaa sheegay in ay taas ka hor dhici karin, hase ahaatee aymuun socdaan baaritaano, isla markaana dheecaanka dadka la qaaday si loo ogaado inuu yahay shuban biyood iyo in kale.

“Arrintaa kama hor dhici karno, shaki ayaa ka qabnaa in biyaha ceelka, maadaama hal waax dad u badan uu musiibada uu soo gaaray, in biyaha jeermis ka dhashay, ma hubno inuu sumeysnaa, wali baaritaan ku jirnaa, dheecaanka dadkana waa la qaaday iyo biyaha, si loo ogaado”ayuu yiri Gudoomiye Muungaab oo wareysi siiyay Idaacada VOA.

Waxaa uu sheegay in Hey’adda WHO ay qaaday dheecaanka dadka, isla markaana maanta oo Jimco ah ay natiijada keeni doonto waxa uu ahaa cudurkan, wuxuuna xusay in Maamulka Gobolkana uu baaritaan ku sameynayo ceelasha biyaha ku yaal degmada Yaaqshiid.

Shalay ayay aheyd markii in ka badan 10-ruux ay u geeriyoodeen xanuun ka dhashay biyo ay cabeen, iyadoo dadka ku dhintay musiibadaas ay isugu jireen caruur iyo dad waa weyn oo dhamaan hal xaafadood wada degenaa, kuwaasoo hal ceel biyo ka wada caba.

Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!