Maamulka gobolka Sh/dhexe oo Jowhar ka mamnuucay xirashada Idha-shareerka

by wadani | Friday, Dec 25, 2015

Jowhar : HN :–Wararka naga soo gaaraya degmada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in maamulka gobolka uu soo saaray amar mamnuucaya adeegsiga Niqaab-ka (Idha-Shareerka) haweenku xirtaan, iyo gadiidka yar yar ee Bajaajta oo dadweynuhu adeegsadaan.

Talaabada uu qaaday maamulka gobolka Sh/dhexe ayaa lagu sheegay ay tahay mid lagu adkeynayo ammniga magaalada oo dhawaan la filayo in uu ka furmo shirka dhismaha maamulka labada gobol Hiiraan & Sh/dhexe/

haween_indhoshareer1“Si loo adkeeyo ammniga degmada Jowhar oo dhowaan uu ku furmayo shirweynaha dhismaha maamulka Hiiraan & Sh/dhexe maamulka gobolka waxaa uu gabi ahaanba go’aan ku gaaray in la joojiyay Idha-shareerka haweenku xirtaa gadiidka mootooyinka ah ee Bajaajta iyadoo taa loo yeellayo in laga hortago dad ku soo dhax-dhuuman kara magaalada si ay ammniga u qal-qalgaliyaan’ ayuu yiri agaasimaha warfaafinta maamulka gobolka C/kariin Macalin.

Ammaanka magaalada Jowhar ayaa aad loo adkeeyay iyadoo lagu wado in dhowaan uu shirka maamul u sameynta labada gobol ee Hiiraan iyo Shabelaha dhexe ka furmo magaalada Jowhar.

Ma aha markii ugu horeysay ee laga mamnuuco haweenka magaalada Jowhar inay xirtaan indho shareerta hase yeeshee maamulkii hore Maxamed Dheere ayaa ka mamnuucay xirashada indho shareerta.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!