Maamulka gobolka Sh/hoose oo ka warbixiyay diyaarad ku dhacday deegaan ka tirsan Afgooye

by admin | Wednesday, Oct 28, 2015

Muqdisho : HN :–Guddoomiyaha maamulka dowladda ee gobolka Shabeellaha hoose, C/qaadir Max’ed Nuur Sidii ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyay diyaarad sidda la sheegay ku dhacday qeybo ka mid ah deegaannada hoos taga degmada Afgooye.

Guddoomiyaha  ayaa sheegay in duhurnimadii maanta diyaarad  ku dhacday duleedka galbeed ee degmada Afgooye, isagoo sheegay inay wadaan baaritaan ku aadan diyaarada dhacday nooceeda iyo waxay siday.

Isaga oo wareysi siinayay warbaahinta gudaha ayuu sheegay in diyaaradan ay tahay tii labaad oo ku soo dhacday agagaarka Afgooye, kadib markii labo todobaad ka hor diyaarad xamuul aheyd oo sahay u siday AMISOM ay ku dhacday agagaarka deegaanka Carbiska.

sidii-kk5“Diyaaradii labaad ayaa ku soo dhacday agagaarka Afgooye, abaarihii 1-dii duhurnimadii ayay soo dhacday, waxaa baaritaan ku heynaa diyaarada nooca ay tahay, waxay ku dhacday meel 9-KM dhanka galbeed ka xigta Afgooye, gaar ahaan tuulada Cusmaan Durre”ayuu yiri Mr Siidii.

Mr Siidii ayaa sheegay in hadii ay khasaaro jiraan ay dib ka soo sheegayaan, waxaana uu ka gaabsaday in diyaarada aheyd rakaab iyo in kale.

“Ciidamada xooga dalka iyo AMISOM ayaa hada ku baxay halka diyaarada ku dhacday, waxaa jidka u dhaxeeya Toora-Toorow iyo Afgooye, waxaa nagu maqaala ah in kooxihii nabad diidka inay ku dhow yihiin aagaas”ayuu mar kale yiri Mr Siidii.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in diyaarada dhacday ay tahay diyaarad yar, waxaana loo maleynayaa inay tahay diyaaradaha yar yar ee duulimaadyada ku taga gobolada dalka, kuwaasoo ay leeyihiin Shirkado Soomaaliyeed.

Xilliga ay diyaarada dhaceysay ayaa la sheegay inay roobab xoogan ka da’ayeen Gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana laga yaabaa in hawada oo xumeyd darteed ay diyaarada u dhacday, walina wax faah faahin lagama haayo.

Diyaaradaha qumaatiga u kaca ayaa la sheegay inay dul heehaabayaab aaga ay diyaarada ku dhacday, waxaana sidoo kale la sheegay in diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ay kormeerayeen halka ay diyaarada ku dhacday.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!