Maamulka gobollka Banaadir oo sheegay in uu bilaawday tartanka olalaha nadaafadeed ee gobollka Banaadir

by Somali | Sunday, Feb 3, 2013 | 4 views

PIC_0079Muqdisho : HN :  Afhayeenka maamulka gobollka Banaadir Max’ed Yuusuf ayaa warbaahinta u sheegay in la bilaabay ama uu bilaawday tartanka degmooyinka gobollka Banaadir ee olalaha nadaafada.

Dhawaan ayeey aheyd markii ra’iisal wasaaraha xukuumada Soomaaliya uu u balan-qaaday degmada kaalinta koowaad ka gasha dhinaca nadaafada in ay heli doonto lacag dhan ilaa $ 15 kun oo doolar.

Waxaa uu sheegay afhayeenka maamulka gobollka Banaadir in degmo kasta oo ka mid ah gobollka Banaadir xusul duub adag ugu jirto sidii ay kaalinta koowaad ugu bixi laheyd, islamarkaana u hanan-laheyd abaal-marinta ay uu balan-qaaday ra’iisal wasaaraha xukuumada Soomaaliya.

‘’Arinta ku saabsan olalaha nadaafada waxaa uu maamulka u saaray gudi ka kooban guddoomiye ku-xigeennada maamulka gobollka iyo xubno kale, si ay u eegaan habsami u soconka howlaha nadaafada,’’ ayuu yiri afhayeenka maamulka gobollka.

Sidoo kale, waxaa uu sheegay in maamulka gobollka Banaadir uu wado qorshe uu ku balaarinayo nalalka ku dhaqeeya cad ceeda, laguna xiri doono sida uu sheegay wadada wadnaha oo ah wado muhiim ah.

Suuqa Bakaaraha ayaa kamid ah goobaha la qorsheeyay in laga hirgaliyo nalal cad cadeeda  ku shaqeeya  iyadoo horay looga hirgeliyay wadada Maka Al-Mukarama oo xiliga habeenkii ah uu siweyn u kala socdo ganacsiga iyo dhaqdhaqaaqa dad weynaha iyo gaadiidka.

Hiiraan Net.

 

Like it? Share it!