Maamulka gobollka Shabeellaha hoose oo sheegay in ay fashiliyeen weerar ku soo jeeda gobollka Banaadir

by Somali | Thursday, Jan 3, 2013 | 4 views

Sh/hoose : HN :   Guddoomiyaha gobollka Shabeellaha hoose ee dowladda Soomaaliya C/qaadir Max’ed Nuur Sidii oo warbaahinta la hadllayay ayaa sheegay in maamulkoodu fashiliyay sida uu hadalka u dhigay weerar ku soo jeeda gobollka Banaadir.

Waxaa uu sheegay in ciidamada maamulka dowladda iyo Shabeellaha hoose ku guuleysteen in ay is hortaagaan ama fashiliyaan dhowr weerar oo qaarkood is qarxin ahaa oo ku soo fool lahaa gobollka Banaadir, laakiin guddoomiyuhu faah faahin kama uusan bixin sida ay isku hor taageen weeraradaas.

‘’Waxaan ku guuleysanay in aynu ka hortagno weeraro ay damacsanayeen kooxaha argagixisada Al-Qaacida ee Al-shabaab, kuwaasoo ku soo wajahnaa gobollka Banaadir ayuu yiri,’’ C/qaadir Sidii.

Dhinaca kale, waxaa uu sheegay in maamulka uu hogaamiyo wax badan ka qabtay nabad-galyada gobollka Shabeellaha hoose, isaga oo sheegay in ay hoos u dhaceen weeraradii ka dhaci jiray gobollka.

‘’Wey naga go’an tahay in aynu sii wadno howlgalada lagu sugayo amniga gobollka, ilaa aynu ka gaarsiineyno heer lagu kalsoonaan karo, lagana ciribtiro kuwa nabad-diidka ah ayuu yiri,’’ guddoomiyaha gobollka Shabeellaha hoose.

Qeybo badan oo ka mid ah gobollka Shabeellaha hoose waxaa hadda gacanta ku haya ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM, inkastoo ay ka dhacaan weeraro ay geystaan xoogagga Al-shabaab.

Hiiraan Net.

Like it? Share it!