Maamulka Hir-shabeelle oo guddi u dirray goobihii ay baneeyeen ciidammada Itoobiya

by wadani | Saturday, Oct 29, 2016

Jowhar : HN :–Guddoonka Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Hirshabeele ayaa sheegay in ay meel wanaagsan oo gabogabo ah ay marayso dhameeystirka xubnaha Guddiyada Baarlamaanka iyo Golaha Wasiirada ee Maamulkaasi

Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowlad Gobolleedka Hirshabeele Mudane Sheekh Cusmaan Barre Maxamed oo lahadlay Warbaahinta Qaranka, ayaa sheegay in ay socdaan wada tashiyo ku aadan dhameeystirka howlaha Guddiyada Baarlamaanka iyo Golaha Wasiirada Dowlad Gobolleedka si looga qeyb geliyo dhamaan bulshada deegaanada maamulkaasi ka soo jeedda.

“Wadatashiyo ayaa socda oo ku aadan sidii loo soo dhameeystiri lahaa xubnaha guddiyada Baarlamaanka iyo Wasiirada dowlad Gobolleedka Hirshabeelle, waxaana dhowaan loo tartami doonaa xubnaha u sharaxan aqalka sare ee dalka” Ayuu yiri Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowlad Gobolleedka Hirshabeelle

Mudane Sheekh Cismaan Barre ayaa tilmaamay in guddi qiimeyn ay u direen deegaannadii dhawaana ay ka baxeen ciidamada AMISOM, gaar ahaan kuwa dowladda Ethiopia.

“Wadatashi kadib Maamulka Hirshabeelle waxa uu u diray Guddi ay kamid yihiin saraakiil amni oo soo qiimeeya xaaladda deegaannada ay ka baxeen ciidamada, waxaan soo dhoweeynayaa hadalka wasiirka Gaashaandhigga Diini” Ayuu yiri Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle Mudane Cusmaan Bare Maxamed.

Ugu danbeyntii, hadalka guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa kusoo beegmay Xilli ay dowladda Soomaaliya qorshaynayso in ay ka jawaabto difaaca iyo dib u xoreeynta deegaannadii ay dhowaan ka baxeen Ciidamada Ethiopia ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ee Koonfurta Soomaaliya kuwaasi oo u badan deegaanno kuyaala Hiiraan halkaasi oo maleeshiyada arxanka daran ay ku dhibaateeynayaan Shacabka Soomaaliyeed.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!