Maamulka Jubba oo sheegay in Al-shabaab dad rayid ah ku laayeen jasiirrada Kudha

by admin | Monday, Nov 10, 2014

Jubbada hoose : HN :– Mas’uuliyiinta maamulka Jubba ayaa  sheegay in Al-shabaab dad rayid ah sidda ay hadalka u dhigeen ku xasuuqeen jasiirada Kudha, kaddib dagaal culus oo maalin ka hor ka dhacay halkaa.

Afhayeenka Maamulka Jubba C/naasir Seeraar ayaa sheegay in 27 ruux oo haween u badan ay Al-Shabaab dileen, markii ay Sabtidii la wareegeen Kudhaa.

“27 ruux oo haween u badnaa ayay inta ay meel isugu uruuriyeen oo ay weydiiyeen heybtooda ayay si isir naceyb ah u xasuuqeen”ayuuser yiri C/naasir Seeraar oo la hadlay laanta afka Soomaaliga ee BBC-da.

Sidoo kale Seeraar ayaa sheegay in dagaalkii Kudhaa ay ku dileen ilaa todobaatameeyo ka tirsan Al-Shabaab, ayna saddex jeer ku jebiyeen dagaal ay ku soo qaadeen.

Mr Seeraar ayaa sheegay in ciidankooda aanay ka fogeyn magaalada, isla markaana ciidamo dheeraad ah ay u direen, si ay maalmaha soo socda dib ula wareegaan Kudhaa.

Ma jirto ilaa iyo hada wax war ah oo ka soo baxay Shabaab oo beeninaya warkan ka soo baxay Al-Shabaab, iyadoo maalin ka hor Al-Shabaab jaziirada Kudhaa ay dagaal dad badan ku dhinteen ay kula wareegeen.

Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!