Maamulka Jubba oo sheegay in ay duqeyn ku dilleen saraakiil ka tirsan Al-shabaab

by admin | Monday, Nov 3, 2014

Kismaayo : HN :– Mas’uuliyiinta maamulka ku-meel-gaarka ee Jubba ayaa sheegay in duqeymo ay fuliyeen diyaaradaha dagaalka Kenya lagu dilay saraakiil ka tirsan Al-Shabaab, iyadoo dagaalo culus labadii maalmood ay ka dhacayeen duleedka magaalada Kismaayo.

Ciidamada Maamulka Jubba iyo AMISOM ayaa wada dhaq dhaqaaqyo ciidan iyo duulaan ay qorsheynayaan inay ku qaadaan degmada Jilib ee Gobolka Jubada Dhexe, halkaasoo ay ku xoogan yihiin Al-Shabaab.

Afhayeenka Maamulka KMG ah ee Jubba C/naasir Seeraar ayaa sheegay in duqeymo labadii maalmood ay diyaaradaha dagaalka Kenya kacabdinaasirSeeraar1 geysteen deegaanka Cabdalla-Biroole lagu dilay saraakiil ka tirsan Al-Shabaab.

“Guulo ayaa laga gaaray duqeymo diyaaradaha dagaalka Kenya ay ka fuliyeen duleedka Kismaayo, rag badan oo saraakiil ah ayaa lagu dilay, saldhigyadooda waa lagu bur buriyay”ayuu yiri Seeraar.

Ciidamada Maamulka Jubba iyo ciidamada AMISOM ee Kenya ayaa culeysyo kala kulmayay Al-Shabaab, iyadoo dhowr weerar lagu qaaday kolonyo ay wateen oo wadada marayay.

Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!