Maamulka Jubba oo sheegay in shirka Garbahaarey lagu carqaladeynayo midka Kismaayo

by Yahye | Wednesday, Sep 24, 2014

Kismayo; HN;- Hoggaamiye ku xigeenka koowaad ee maamulka, Cabdullaahi Ismaaciil Fartaag ayaa sheegay in gobolka Gedo uu ka socdo qabanqaabada shir la doonayo in lagu carqaladeeyo shirweynaha dib u heshisiisiinta ee ka socda magaalada Kismaayo.

Cabdullaahi Ismaaciil Fartaag ayaa ka digay xiisad colaadeed oo ka dhalata shir uu sheegay inay qabanqaabadiisa ka socoto degmada Garbahaarrey ee gobolka Gedo.

Fartaag ayaa ku tilmaamay shirka Garbahaarrey mid sharci darro ah oo ay wadaan dad uu ku tilmaamay inay leeyihiin ‘dano gaar ah’.

Wuxuu sheegay in shirka Kismaayo uu yahay shir ay taageertay dowladda federaalka iyo beesha caalamka. Shirka Kismaayo ayuu sheegay inuu yahay mid u furan cid kasta oo ka soo jeedda deegaannada Jubbaland oo qabta cabashooyin ka dhan ah maamulka Jubba.

Wuxuu xusay inaan gobollada Jubbooyinka looga baahnayn colaad hor leh, ee loo baahan yahay in loo istaago sidii loo samatabixin lahaa dadka ay abaartu saameysay.

Hiiraan Net

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!