Maamulka Jubba oo tiro dad ah u xir xiray weerarkii shalay ka dhacay Kismaayo

by admin | Wednesday, Dec 24, 2014

Kismaayo : HN :–Taliye ku-xigeenka ciidammada ammniga maamulka Jubba Max’uud Max’ed Qaalib ayaa sheegay in tiro dad ah u soo qabteen weerarkii shalay ka dhacay Kismaayo ee lagu dhaawacay saddex ruux oo uu ku jiro Yaasiin Nuur Gaas Raadeer oo ka mid ahaa mas’uuliyiinta maamulkaas.

Waxaa intaa raaciyay in Yaasiin Raader uusan hadda wax xil ah ka hayn maamulka Jubba, isagoo xusay in weerarkii lagu dhaawacay uu ahaa mid qorsheysan oo ay soo abaabushay Al-shabaab.

“Shan qof oo lagu tuhmayo weerarkan ayaan hadda gacanta ku haynaa, baaris ayaa ku socota waxaana weerarka kuKismaayo7777 eedeynaynaa kooxda Al-shabaab,” ayuu yiri Max’uud Qaalib.

Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada amaanku ay ku raad joogaan dad kale oo lagu tuhunsan yahay iney ku lug lahaayeen abaabulka iyo fulinta weerarkaas.

Shalay ayeey aheyd markii kooxo hubeysan ay weerareen hoteel ku yaala magaalada Kismaayo oo uu degenaa Yaasiin Raader, iyadoo dhaawiciisa isla shalay loo qaaday magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya si halkaas loogu daweeyo.
Al-Shabaab ma aysan sheeganin illaa hadda weerarkan, kamana hadlin eedeymaha loo jeediyey ee ku aadan iney ka dambeysay weerarkaas oo ahaa kii ugu xumaa ee mudooyinkan ka dhaca Kismaayo.

Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!