Maamulka Jubballand oo ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Al-shabaab

by admin | Thursday, Mar 26, 2015

Kismaayo : HN :–Madaxweyne ku-xigeenka maamulka Jubba oo warbaahinta kula hadllayay magaalada Kismayo ee xarunta u ah gobolka Jubada hoose Suldaan Cabdiqaadir Luga-dheere ayaa sheegay in ay wadaan qorshe xoogaga Al-Shabaab kaga saarayan dhulka Jubbaland.

”Qorshaha maamulka Jubbaland u degsan waa in meel walba oo ka mid ah deegaannada Jubbaland laga saaraan cadawgga, dhawaan qorshuhu waxaa uu yahay in ay u dhaqaaqo deegaannada fara ku tiriska ah oo ay ku sugan yihiin” ayuu yiri Luga-dheere/

Madaxweyne ku-xigeenka ay Luga-dheere ayaa intaa ku daray in ciidammada maamulka Jubbaland u diyaar garoobeen dib u soo381x283xCQAADIR-XAAJI-MAXAMED-LUGA-DHEERE-12.jpg.pagespeed.ic.TU28J-So-t celinta deegaanada ka maqan gacanta ee ay ku suganyihiin Xoogaga Al-Shabaab.

”Ciidamada Jubbaland diyaargarow bey ku jirreen hada waa diyaarsanyihiin iyaga oo kaashanaya ciidamada AMISOM meel kastana waa ka bilaabanayaan hawgaladu maahan hal meel.”’ayuu yiri mar kale.

Sidoo kale ,wuxuu shirkiisa Jaraa’id ku sheegay in maalmaha soo socda ka khudbeyn doonaan deegaanada ka tirsan maamulka Jubbaland ee ku jira gacanta Xoogaga Al-Shabaab.

” Waxaan ka wadahadli doonaa anagoo taagan Jamaame ..anagoo taagan Jilib ..anagoo taagan Xagar … anagoo taagan Baardheere ayaa mar dhow ka khudbeyneynaa haddii ALLE idmo””ayuu yiri Madaxweyne kuxigeenku.

Ciidamada maamulka Jubbaland iyo kuwa AMISOM oo iskaashanaya ayaa maalmo ka hore si toos ah ugala wareegay Xoogaga Al-Shabaab gacan ku haynta Jaziirada Kudhaa ee gobolka Jubbada hoose.

Hiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!