Maamulka Koonfur galbeed oo siweyn uga soo horjeestay baarlamaanka cusub ee Jubba

by admin | Thursday, May 7, 2015

Baydhabo : HN :–Wasiirka warfaafinta maamulka KMG ah ee Koonfur-galbeed Somalia, Ugaas Xasan Cabdi ayaa warbaahinta Baydhabo u sheegey in heshiiskii ka dhaxeeyay Koonfur-galbeed iyo maamulka Jubba ay ka baxeen maamulka Jubbaland, taasoo ahayd in maamulka Jubbaland uu si cadaalad ah awoodda ugu qaybiyo deegaannada uu ka taliyo.

Wasiirrka ayaa sheegay in sed-bursi uu ka jiro Qay-bsiga xildhibaannada Baarlamaanka maamulka Jubbaland ee dhawaan la sooSouth-Western-State-Flag dhisay, kaasoo lagu wado in maanta guddoonkiisa lagu caleemo-saaro gudoonka baarlamaanka Jubbland.

Sidoo kale, wasiirka warfaafinta Koonfur-galbeed ayaa ka codsaday beesha caalamka iyo dowladda Somalia inaysan taageerin xubnaha baarlamaanka Jubba, waayo ma ahan buu yiri mid cadaalad ku dhisan, isagoo xusay inay dhankooda ilaalin doonaa nidaamka sharci ee maamul gobaleedyadu ay ku heshiiyeen.

Magaalada Kismaayo waxaa ku sugan waqtiga madaxweyne Xassan Sheekh iyo xubno ka socda beesha caalamka oo doonaya in ay ka qeyb-gallaan munaasabada calleemo saarka guddoonka cusub ee baarlamaanka Jubba.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!