Maamulka Puntland oo eedeyn u jeediyay madaxweyne Xassan Sheekh

by admin | Tuesday, Sep 23, 2014

Mudug : HN :– Maamul gobolleedka Puntland ayaa markii ugu horeeyay si toos ah ugu eedeeyay madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xassan Sheekh Max’uud in qorshe ah abaabul dagaal oo ka sameynayo gobollka Mudug.

C/naasir Bedel Khalaf oo wasaaradda warfaafinta gobolka Mudug u qaabilsan ayaa hadal uu saxaafadda siiyey waxaa uu ku sheegay,madaxweynaha Soomaaliya inuu hub ku taageeray maamulka Galmudug si ay dagaallo uga dhacaan magaalada Gaalkacyo.

“Dowladda Puntland wax aysan ogeyn gobolka Mudug kama soo degi karo, Mudugna Puntland ayay hoos-tagtaa, waxaa rabaa inaan cadeyno in Galmudug ay sameysatay garoomo qarsoodi ah oo ay hub rabto inay ka soo degsto, midaas baa diidanahay, waxaana Hubka laga soo rarayaa Garoomada Balli-doogle iyo Nambar 50, maadaama garoonka caalamiga ah ee Muqdisho ee AMISOM gacanta ku heyso aan wax hub sharci daro ah laga dhoofin karin”ayuu yiri C/naasir Bedel Khalaf.

Khalaf ayaa sheegay madaxweynaha Soomaaliya iyo Cabdi Qeybdiid inay ku heshiiyeen hubka ay beesha caalamka ugu tala-galeenSAMSUNG CAMERA PICTURES ammaanka Soomaaliya in lugu xaqiijiyo in loo soo rarayo gobolka Mudug si ay halka dagaallo uga abuurman.

“Waxaan u caddeynayna beesha caalamka madaxweynaha Soomaaliya inuu wado dagaallo ka dhaca gobolka Mudug,waxuuna dagaallada u wakiishay Cabdi Qeybdiid,”ayuu hadalkiisa ku daray C/naasir Bedel Khalaf oo wasaaradda warfaafinta Puntland u qaabilsan gobolka Mudug.

“Galmudug ma aqabali doonto in labo garoon oo Gaalkacyo ku yaalla inuu mid shaqeyo midna uu xirnaado,waxaana shacabka iyo maamulku qaadan doonan go’aan,”sida waxaa yiri madaxweynaha maamul-gobolledka Soomaaliyeed ee Galmudug,Cabdi Qeybdiid.

Hadalka ka soo yeeray ,Cabdi Qeybdiid ayaa keenay in laga cabsi qabo dagaallo ka dhaca gobolka Mudug,balse wax-garad labada maamul ka soo jeeda ayaa ku baaqay in laga dhowr sanaado dagaallo mar kale ka dhaca gobolka Mudug.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!