Maamulka Puntland oo Masúuliyiinta Radi Daljir xabsiga dhigay

by admin | Saturday, May 23, 2015

Garowe ;HN:- Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya Magaalada Garoowe ee xarunta Maamulka Puntland, Booliiska magaaladaasi ayaa xiray Agaasimihii iyo Tifaftiraha Idaacada Daljir xarunteeda Garoowe.

Agaasime Cabdiraxmaan Xuseen Xasan (Gaardi) iyo Tifatire Jamaal Faarax Aadan aya xilligan ku xiran saldhigga booliska kantaroolka koonfureed ee Garowe.

Wararka ayaa sheegaya in sababta loo xiray labadaan masuul ay tahay Barnaamij ka baxay Idaacada Daljir oo aysan jecleysan Maamulka Puntland.

Ururka Suxufiyiinta MAP ee deeganada Maamulka Puntland, ayaa cambaareeyay falkaan lagu xiray suxufiyiinta.

Maamulka Puntland, weli kama aysan hadlin xarigaan loo geystay labadaan suxufi.

Hiiraan Net

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!