Maamulka Puntland oo sheegay in uu gacan ka geysanayo xalinta khilaafka madaxda sare

by admin | Monday, Oct 27, 2014

Garoowe : HN :– Maamulka Puntland ayaa sheegay inuu ka xun yahay khilaafka soo kala dhex galay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo raysul wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed.

Wasiirka warfaafinta Puntland, Cabdiweli Xirsi Cabdulle oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in maamulkiisa uu diyaar u yahay ka qeyb-qaadashada xallinta khilaafka madaxda sare ee dalka.

Puntland ayaa ku baaqday in khilaafka u dhaxeeya hoggaanka sare ee dalka lagu xalliyo sida dastuurka dalka uu farayo. Waxay ugu baaqday beesha caalamka inay doorkooda ka qaataan soo af-jaridda khilaafka.

Waxay ugu baaqday madaxda sare ee dalka inay u tanaasulaan maslaxada ummadda Soomaalida, khilaafkoodana ku dhammeeyaan wada-hadal iyo is-maqal.

Puntland waxay u jeedisay shacabka Soomaalida inay ilaaliyaan xasilloonida, kana digtoonaadaan dhaawaca amniga iyo midnimadooda.

Waxay kaloo soo jeedisay in dhammaan hay’adaha dowliga ah ee Soomaaliya ay si xil-kasnimo ay ku jirto u gutaan waajibaadkooda shaqo, isla markaana la ixtiraamo madax-bannaanida hay’ad walba, iyadoo lagu dhaqmayo shuruucda dastuurka uu yaalla.

Loollanka awoodda ee u dhaxeeya madaxweynaha iyo raysul wasaaraha ayaa sii xoogeystay kaddib markii raysul wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed uu ku dhawaaqay isku-shaandhayn uu ku sameeyay wasiirro muhiim ah oo ku jira golihiisa wasiirrada.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!