Maamulka Puntland oo sheegay in uu ka fiirsanayo ka qeyb-galka shirka hiigsiga 2016-ka

by admin | Friday, Sep 18, 2015

Garoowe : HN :–Maamulka Puntland, ayaa war ka soo baxay waxaa lagu sheegay in ay siweyn uga fiirsanayaan ka qeyb-gallka shirka lagu waddo in uu ka furmo magaalada Muqdisho ee dhaxmaraya dowladda federaalka iyo maamul gobolleedyada dalka ka jira, kaa oo looga wadda hadali doono hiigsiga 2016-ka ee siyaasada Soomaaliya.

Waxaa ay sheegeen mas’uuliyiinta maamulka in shirkaasi ka eegi doonaan dhinacyo badan iyaga oo ka eegi doono dhanka Coat_of_Arms_of_Puntland1Maslaxadooda haddii ay suuragasho ay ka qeybgali doonaan.

C/llaahi Max’ed Jaamac Quraan Jecel oo ah Afhayeenka madaxtooyada maamulka Puntland, oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Puntland ay dib u eegis ku sameyneyso qorshaheeda ku aadan ka qeyb galka Shirkaasi wadatashiga ee dhawaan looga dhawaaqay Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hooose.

Waxa uu sheegay inaysan ku degdegi doonin ka qeybgalka shirkaasi waxa uuna cadeeyay in ay wadatashi gaar ah ka yeelan doonaan shirka, kadibna ay ku dhaqaaqi doonaan natiijada usoo baxdo.

Waxaa uu meesha ka saaray in uu jiro cadaadis Beesha Caalamka uga imaanaya Maamulka Puntland oo ku aadan ka qeyb galka Shirkaasi la filayo in uu ka dhaco Magaalada Muqdisho.

ugu danbeyntii, hadalka Maamulka Puntland ayaa waxuu ku soo aadayaa Xili dhawaan Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo Madaxda Maamul Goboleedyada Dalka ay kaga dhawaaqeen Magaalada Kismaayo in Shir weyne wadatasho lagu qabanayo Magaalada Muqdisho.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!