Maamulka Ximin iyo xeeb oo ku adkeysanaya in shirka lagu qabto Cadaado

by admin | Wednesday, Mar 25, 2015

Cadaado; HN;- Maamulka Ximan iyo Xeeb, ayaa waxa ay sheegeen in Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud lagu qabanaayo shirka maamul u sameynta Gobolada dhexe ee dalka Soomaaliya, xilli khilaaf uu ka taagan yahay halka rasmiga ah ee shirkaasi lagu qabanaayo.

Wasiirka arimaha gudaha Maamulka Ximan iyo Xeeb Maxamed Xaaji Xuseen oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Maamulkooda ay ku adkeesanayaan in Magaalada Cadaado shirkaasi lagu qabto.

Wuxuu sheegay in Dowladda Soomaaliya markii hore ay ku dhawaaqday in shirka lagu qabto Magaalada Cadaado, hadana qorshaha sidaasi uu yahay.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku sugan Magaalada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud, wuxuuna halkaasi u joogaa sidii Odayaasha dhaqanka ee Dhuusamareeb ku shirsanaa uu uga dhaadhicin lahaa aqbalida in shirka lagu qabto Cadaado.

Odayaasha Dhuusamareeb ayaa dhankooda, go’aan ay soo saareen ku sheegeen in sirka lagu qabanaayo Magaalada Dhuusamareeb.

Hiiraan Net

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!