Maamulka Ximin iyo Xeeb oo sheegay in uu bari furmayo shirka maamul u sameynta gobollada dhexe

by admin | Tuesday, Mar 31, 2015

Cadaado : HN :–Iyadoo wali uu taagan yahay muranka iyo khilaafka salka ku haya halka lagu qabanayo shirka dhismaha maamulka gobollada dhexe, ayeey ku dhawaaqeen maanta in maalinta bari ah uu shirka ka furmayo magaalada Cadaado ee gobolka Galguduud.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Maamulka Ximan iyo Xeeb Maxamed Xaaji Xasan ayaa sheegay in dhamaan ergooyinka ka qeyb galaya shirka ay soo xaadireen, islamarkaana 01, April oo ku baagan maalinta bari ah uu shirku furmayo.

“Suurtagal ma’aha in shirka lagu xiro qabashadiisa ciidammo AMISOM ah, waxaa shirka ilaalinaya oo ammnigiisa sugaya ciidamada27 maamulka Ximan iyo Xeeb, shirkana berri ayuu furmayaa, ergooyinka inta dhimana waa soo dhameystirmayaan”ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Gudaha Maamulka Ximan iyo Xeeb.

Shalay ayay aheyd markii magaalada Dhuusa Mareeb uu gaaray Safiirka Soomaaliya u fadhiya Addis Ababa Axmed Cabdisalaan oo ah musharaxiinta ugu cad cad xilka Madaxtinimada Maamulka Gobolada Dhexe, iyadoo uu la kulmay ergooyinka ka qeyb galaya shirka dib u heshiisiinta.

Lama oga meesha uu ku dambeyn doono kala aragti duwanaanshaha iyo muranka ka taagan halka shirka lagu qabanayo, waxaana wali odayaasha dhaqanka ay ku taagan yihiin mowqifkooda ah in shirka maamul u sameynta uu ka furmayo Dhuusa Mareeb.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!