Maanso gaaban oo ka hadleysa deegaanka Hiiraan WA: Cumar Cadde

by Yahye | Monday, Feb 13, 2012

Maansadan gaaban oo uu tirinayo Cumar Cadde aqris wacan.

Deel waa quraan dhigan daaim waa eebbe
da,da maanso iskuma deyin da, intaan jiroe
dulmigaanan dul ulahay daaman raamsadoe
duul waliba degel buu lahaa loo daliiliyoe
dogobka fiidow dulada hobatiyo jiica deebtaleh
shilaabeey ciduhu dadka wadaag yihiine

intaas oo deris ah waxaan kula degaa waa dadnimodedee
duul islaamana iga durug iyo i daa dood kuma wadaagin
dabkeeyguna u shidan ina islaam intii dan iso bidae
intaas oo ah dood ninweyn deelka ma ku keenay
deel qaafku waa ba,an yehee daacad ma u sheegay
inkale waa soo dedejin uu diiday damiirkeeygu
duqii aan u dirnay inuu danaha guud dhowro

oo uu dadaal dheeriya ku daro doodna ku adkeeyo
in uu duul kale u daayaa degelka waa da, ii dhimane
dabaalnimana dinimana dib umagalo iyo hadakoo loo daaho
dareenkiisuna ma daalaneeyn ee malaha waa la dooriyaye
dib u celiya oo bedela duqaas daadi danahiiye

asagan duraama u aqriya ileeyn wuu i damqayaaye
tira laba u dhig daalkeedu yahay ninkaas lixda kor u dhaafshay
ee dooda ku darsan dadkii ay duntu ugu tiilay
dib u celiya oo bedela duqaas daadi danahiiye
asagana duraamo u aqriya ileeyn wuu i damqayaaye.

Cumar Xuseen Cali

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!