Maanso “Hiiliyow Ha Cadaabin‏” WA: Safiyo Aw Axmed Xaaji (Dhalkheyr)

by admin | Tuesday, Jan 31, 2012

Asalaamu calaykum waraxmatullaahi wabarakaatuhu. 

Salaanta islaamka kadib waxaan jeclaystay caawa inaa halkan kusoo gudbiyo maanso  aan ugu magac daray “Hiiliyow ha cadaabin” taas oo sababtaan u curiyay ahayd inaan tilmaamo qiimaha iyo xuquuqda ay hooyadu leedahay iyo dhibka iyo xanuunka ay inaga soo martay. Waxaana igu kalifay tixdan xiiso iyo kalgacal aan hooyadeey cimrigeeda ilaahay ha dheereeyo  caafimaadna hawgu daree u qabo iyo boholyowga aan u hayo maadaama aan ka dheerahay dhulkaygii hooyo. Waxaan kaloo rabay inaan dadka jaaniskaas haysta dareensiiyo inay ka faa,idaystaan kana ajar gurubsadaan fursada qaaliga ah ee gacmahooda ku jirta inta goori goor tahay gabalkuna uusan ka dhicin, ka bogasho wanaagsan insha allaah.

Hooyo waan ku tabaayoo

Hamigaaga dartiisa

Hurdadii iga guurtay

Hungurigii cuni waayoo

Hamuun baa igu raagtay

Haraadoo socon waayay

Hugmayoo iska ooyay

Hafeeftayoo iska taahay

Habqamayoo iska luuday

Hadalkaa arartii dheh

Hooyadeey tabideediyo

Hootadii xubigeediyo

Hurgumo uu igu beeriyo

Hutun beerka kutaal dheh

Hooyadii i dhashaay

Haybadii noloshaay

Hayaankii casrigaay

Hadii aan ku tilmaamo

Hadafkaygiyo heesta

Hal yar aan ka,i raahdo

Halka eebbe ku geeyay

Hadyigii nabigeenu c.s.w

Heerka uu ku sifeeyay

Haldoorkii salafkeenu

Halka ay ku dhigeeniyo

Hanaankii waxtarkaaga

Haybadaadiyo khayrka

Hannayntii xaq u goynta

Heersaraynta la,yaabay

Heegaday ku sureene

Hooyo yaa kugu haysta?

Hal ku dhigiisa quraanka

Hala dhowro xaqeeeda

Marna yaan la hanqaarin

Hooyadiin ka ducaytsa

Hanuunshow rabigeenu

Hadii uu ku cadeeyey

Hadal aad dhibsanayso

Hortaadoon ka iraahdo

Hallaag weeye runtiiye

Habaar weeye inkaara

Hadalkaasi dhab weeye

Hubaal weeye bayyaana

Hantidaadana weeye iyo

Hibo uu eebe ku siiyaye

Hooyo yaa kugu haysta?

Hurayroo sheegay xadiis (r,c)

Hadalkuu warinaayay

Nabigoo ka hadalaayay (c.s.w)

Halkaan hooyo dhigayno

Hooyadaa nambar kow ah

Halqabsigiisa ku sheegyay

Hadaba yaan ku xejaa?

Halyayguu u sharxaayay

Markuu hooyo su,aalay

Hadana wuu ugu biisay

Hadaba yaan ku xejaa?

Markuu hooyo su,aalay

Hadana wuu sadexeeyey

Hooyadaa nambar kow ah

Hadalkaa sadex jeer dheh

Haanuunshow nabigiiye (c.s.w)

Hooyo yaa kugu haysta?

Halkii aabe la geeyay

Heedhe waad aragtaane

Hadalkaas ninka diidah

Hohna ay ka tidhaahdo

Hooyadiis ka xumaato

Hoogiisaa la yaboohay

Halkaas ruuxa illowsan

Habaarkeeda dhitaystah

Hooyo aan ixtiraamin

Howraarteeda dhagaysta

Hiifa oo dhibsanaayah

Halgaadoon korka saarin

Hayin aan u ahaanin

Halkay doontaba gaynin

Howraarsan aan oranaynin

Halkeebuu ku dambaynin?

Hadii aan ka jawaabo

Hadal kooban iraahdo

Habaar waalid dhitayste

Hooyadiis maqli waaye

Haduu joogo aaduunka

Halis buu ku dhacaayoo

Hantiduu tabco maago

Hungo buu ka dhaxlaayoo

Habaas buu hambadaayoo

Haraad baa u dambeeya

Haba sheegin midaase

Hayaankiisa qiyaame

Habeenkuu dhimanaayo

Heli maayo miciinoo

Hoheey wuu silcayaayoo

Hoogiisa kari doona

Hiihdiyo haahdiyo taaha

Hadii ay naftu dayso

Hoga aynu ku tuurno

Hamna ciida ku siino

Halacii naarta haleelyoo

Holac baa mari doona

Hoyga naarta saciira

Hugunkeeda jaxiima

Haantoolaydii saqaraad

Halkaasaa u ah hooyo

Haawiyuu galayaah!!!

Hooyo yaan la xumaynin

Hawshan yaan la ilaawin

Habeenkay na xambaarteey

Hungurigii ay ka go,doo

Hunqaaca ay darriseenoo

Hilibkeedu gadoomoo

Haaro ay ku dhasheenoo

Hiinraagtoo soconwayday

Hurdadii gam,i wayday

Hurtayoo kululaatay!!!

Habaqlayntiyo daalka

Halashlaysay bilooyin

Hawshu maaha intaase

Habeenkay umulaysay

Hafeeftii foosha darteed

Halgaadii nabarkeeda

Halis bay ku gashoo

Hubaal way silicdee

Hiiliyow ha cadaabin!!

Hawshu maaha intaase

Hadii ay i dhashoo

Hoyga eebe i keenoo

Hagarlaawe illaahay

Halistii ka badbaadshay

Hurdo way iska daysay

Habeenkii soo kicideeda

Habitaanka mirtayda

Hubintii gogoshayda

Halaqooy iga dhowrto

Hororkooy iga eegtiyo

Heeggan bay u ahayde

Hiiliyow ha cadaabin!!

Heesahay ii tirinaysay

Hurdada iigu sabaysay

Haloosigii kaftankeeda

Huuwaadii hadalkeediyo

Hoobeydaan ku gam,aayay

Hadaaqeeda ciyaarta

Hagaag baan u jeclaaye

Hunguri aysan tijaabin

Hortay aysan cantuugin

Hawaankeed ima siinine

Hiiliyow ha cadaabin!!

Hadaaqii ka gadaalna

Hadalkii ay i baraysay

Halkudhigiisa hagaagsan

Hadeeraan ku hadlaayoon

Hal-abuur ku tirshaayoon

Heeso aan ku curshaayoo

Hal-karaanka oraahda

Hadii aan tartamaayo

Hilinkiisa ma seegee

Hambalyaan ku helaayoo

Haatuf baan ahay caana

Hidaheeda xambaarsanoo

Hilinkii ku barmoosaye

Hiiliyow ha cadaabin!!

Hadaan suuqa maraayo

Hanaankayga hagaagsan

Hagootayda nidaamsan

Hubqaadkayga asluubta

Hareeraha aanan jaleecin

Horaydaas u socdaalka

Hoosta aan dhuganaayo

Haybtaydaa la gartaaa

Hooyadeed ku banaane

Tollow mayna heblaa?

Harqisoo dhagahayga

Had iyo goor maqlay,aan

Haahey waa iyadiiyoo

Halkaasaan ka arkaaba

Hareertayda ka yeertay

Hidaheeda ku baasayoo

Hooyadeey ku banaaniye

Hiiliyow ha cadaabin!!

Hadaan saa u ogaaday

Hooyo aan u aqaano

Halka ay iga joogto

Hadafkayga kowaad

Hiigsigaygiyo yoolka

Halbeegii noloshayda

Hormarkeeda dhaqaale

Hiilkeedoon ku dadaalo

Had iyo goor u adeego

Hadalkeeda dhamaana

Haye aan ku idhaahdo

Halna aanan ka diidin

Hamigayga ka doonaye

Hiiliyow igu caawi!!

Hadana aan u duceeyo

Hagarlaawe ilaahow

Hiiliyihii i abuurow

Hanaankeeda wanaaji

Howlaheeda hagaaji

Hooyo aan la xumaynin

Hafeef aysan dareemin

Hawaan aysan dhibtoonin

Hadii uu malag qaado

Hadduna ay halakayso

Hayaankeedu dhamaado

Hoga aan ku ridnaayoo

Halkaan joogno ka guurto

Hiiliyoow ha cadaabin!!

Haleelsii nabigiiyoo (c.s.w)

Halicii naarta ka dhowr

Haracii jano geeyoo

Haraad yaysan dareemin

Oy harsataa carshigaaga

Aamiin aamiin aamiin

Qore: Safiyo Aw Axmed Xaaji (Dhalkheyr)

Emeil: dhalkheyr@hotmail.com

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!