Maanso; Ninkii guursadoow. WQ; Cabdi Samad Xaji Ducaale, Qambi

by admin | Monday, May 7, 2012

GABAYGAN WUXUU KU SAABSAN YAHAY DHAWR NOOC OO HAWEENKA LAGA HELO ,IYO HADDII AAD KU BEEGANTO GABADH KA MIDA KUWA GABAYGU SHEEGAYO AMA AY HOREBA KUULA JOOGTAY INAAD NASIIBKAAGA AAMINTO OO AAD DULQAAD IYO WANAAG KULA DHAQANTO OGOWNA HAWEENKU MARNABA WAX KA SHEEG MALAHA SIDA DHAQANKEENU QABO,WAANA KAN GABAYGII.

inkastoo ilaah nagu galaday gebi haweenkeena
oo hooyo gaax kuu listiyo gabadhi ceeb yeelan
mid waliba wixii ay gashiyo goyn hadaan sheego
gedaafiyo ayaan loo malayn gef iyo dhoobaysi

1.galool caato weydiyo laftii gurantay aan buuxin
gabashada dabaylaha miday gegi banaan dhaanto
NINKII GUURSADOW YAAN HADHOW GOCOSHO KAA YEEDHIN

2.sidii dhiil gadhoodh lagu shubtiyo weel gunta u dhuuban
gaafulo cigcigan oo sidii ciyawga goohaysa
NINKII GUURSADOW YAAN HADHOW GOCOSHO KAA YEEDHIN

3.gadaal iyo midaan badhi lahayn gaadadana buuran
garabkuna xamaaliyo sidii goodir muruq yeeshay
NINKII GUURSADOW YAAN HADHOW GOCOSHO KAA YEEDHIN

4.sida geriga dhererkoo gingiman golis hadaad fuusho
geel raacsan maayiyo ileen gaade weerara he
NINKII GUURSADOW YAAN HADHOW GOCOSHO KAA YEEDHIN

5.sidii gaban caruuriyo midaad gabadh yar moodeyso
oo guuna murankana sidii oday u guuxaysa
NINKII GUURSADOW YAAN HADHOW GOCOSHO KAA YEEDHIN

6.gaasira codweyn aan wanaag gelinba laabteeda
oo gadata sheekada hadaad gooni ugu sheegto
NINKII GUURSADOW YAAN HADHOW GOCOSHO KAA YEEDHIN

7.fays buug mid gogol dhigatayoon guugalkaba dhaafin
baaltoogna soo geleleftoo gaagna reebaynin
NINKII GUURSADOW YAAN HADHOW GOCOSHO KAA YEEDHIN

8.gal dhalaala uurkoo gubtiyo gibil hillaacaysa
gudcurkiyo cadadu waa walaal waana kala gaare
NINKII GUURSADOW YAAN HADHOW GOCOSHO KAA YEEDHIN

9.gobonimada dumar waa inaad adigu gooshtaaye
gabaatigiyo yaradkii haday geyso waa halise
NINKII GUURSADOW YAAN HADHOW GOCOSHO KAA YEEDHIN

10.mid adduunyo lagu gaadhayo giniga raadcaysa
gurboodkiyo ninkeediyo u daran weliba guudkeeda
NINKII GUURSADOW YAAN HADHOW GOCOSHO KAA YEEDHIN

11.midaan gawda hadal joojino kuu guryami leylka
goonyaha midaan eegino maqalka gaagaabsan
NINKII GUURSADOW YAAN HADHOW GOCOSHO KAA YEEDHIN

12.galabtiyo dharaartii miduun dheri ku gawdiida
oo gurata keligeed dadkoo gaajo wada hayso
NINKII GUURSADOW YAAN HADHOW GOCOSHO KAA YEEDHIN

13.gabaldaye sidiisii midii gelinba meel aada
gacalkiyo xigaaladu midaanay guriga soo booqan
NINKII GUURSADOW YAAN HADHOW GOCOSHO KAA YEEDHIN

14. garashiyo xishoodbaa ilaah wada gudoonsiiyey
miisaanka aan lagu gembiyin gaabashana yeelan
midab aan gaduudna u badnayn madowna guudfuulin
garaaryihiyo laafyaha xubnaha laysku wada gooyey
gaarrinimo kartiyi weheliso gudata hawsheeda

MARWADAAS NINKII GUURSADOW GUUL KA FILO QOYSKA.

WA:CABDISAMED XAAJI DUCAALE QAMBI

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!