Macalimiin Kenyaan ah oo lagu qarxiyay magaalada Gaalkacyo

by admin | Friday, Jan 2, 2015

Gaalkacyo  : HN :– Wararka naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa sheegaya in qarax lala eegtay macalimiin Kenyaan ah uu sababay khaasaare dhimasho iyo dhaawac.

Waxaa la sheegay in qaraxan lala eegtay bas ay la socdeen macaliimin Kenyan ah oo barayaal ka ah dugsiga Yameyska oo ku yaalla magaalada Gaalkacyo.

Wali wax faah faahin ah kama soo bixin qaraxa balse waxaa la sheegay inuu ku dhintay mid ka mid ah ilaaladaBREAKIN dugsi,halka sidoo kale ay ku dhawaacmeen  afar macalin oo dugsiga barayaal ka ahaa,

“Walal waxaan ku sheegi kara qof wardiye ah ayaa dhintay,ilaa afar macalin oo dhaawac ah midna uu khatar ahaa ayaan annigu arkay,”sida waxaa sheegay Cali Axmed oo yiri waxaan ku dhawa dugsiga uu qaraxa ka dhacay.

Ciidammo ka tirsan kuwa amniga ayaa gaaray irida hore ee dugsiga Yamayska oo ah halka uu qaraxa ka dhacay,waxaana la sheegay macalimiintii ku dhaawacantay in loo qaaday isbitaalka magaalada Gaalkacyo halkaa oo lugu dabiibayo.

Qof goob-jooga ah ayaa u sheegay Raxanreeb inuu qaraxa xooggana,khasaaruhuna uu inta ka badan karo.

Waa qaraxii labaad oo afar maalin gudaheed ka dhaca magaalada Gaalkacyo,balse laamaha ammaanka ayaa sheegay inay xoojin doonan amniga.

Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!