Macalin Dugsi Qur’aan oo xalay lagu dillay magaalada Beledweyne

by admin | Tuesday, Mar 17, 2015

Beledweyne : HN :– Rag wajiyada soo xirtay kuna hubeysnaa qoriga AK47, ayaa habeenimadii xalay ku dillay magaalada Beledweyne gaar ahaan xaafada Xaawo-taako macalin dugis qur’aan oo lagu magacaabi jiray Macalin Cilmi Cabdi Xassan.

Lama oga ilaa iyo hadda cidda ka danbeysan dilka macalinka oo ka mid ahaa macalimiinta sidda weyn loo garanayay magaalada kanaBeledWeyne mid ahaa dhinaca kale Jameecada Tabliiqa.

Dad goob joogayaal ah ayaa sheegay in jirka macalinka oo idil rasaas lala beegsaday gaar ahaa madaxa oo la sheegay in uu guriyooday marxuumka.

Ciidammada nabad-galyada magaalada gobolka Hiiraan oo howlgal adag ka fuliyay xaafadda lagu dillay macalinka ayaa soo qab qabtay tiro dad ah oo la tuhusan yahay, kuwaa oo lagu hayo  baaritaan la xiriira falka dilka ah.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!