Macalin ka tirsanaan jiray Al-shabaab oo lagu dillay magaalada Baydhabo

by admin | Sunday, Dec 28, 2014

Baydhabo : HN :–Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa sheegay in ciidammada dowladda Soomaaliya toogasho ku dilleen macalin sidda la sheegay horay uga tirsanaan jiray kooxda Al-shabaab.

Wararku waxaa ay sheegayaan in macalinka la dillay oo lagu magacaabo jiray macalin Butto marar badan xabsiga dhigeen ciidamada dowladda, hasse ahaatee iska sii dayeen, isaga oo waqtigii ay Al-shabaab maamulayeen Baydhabo ahaa mid ka mid ah mas’uuliyiinta xaafaddaha Baydhabo.

Dilka macalin ayaa yimid sidda wararku sheegayaan kaddib markii baaritaan ay sameynayeen ciidammada dowladda uubay ku tagay goob uu ku sugnaa macalinka oo markii uu arkay ciidammada isku dayay in uu cararo, hasse ahaatee waxaa la sheegay in ay rasaas ku fureen siddaana uu u geeriyooday.

Dadka ku dhaqan magaalada Baydhabo ayaa la sheegay in ay siweyn u hadalka hayaan toogashada macalinka oo waayadii ugu danbeeyay ka tirsanaa macalimiinta dugsiyada Qur’aanka Baydhabo.

Hiiraan net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!