Madaafiic lagu garaacay degmada Qandala oo ay gacanta ku hayaan Daacish

by wadani | Tuesday, Nov 1, 2016

Qandala : HN :-Warar kala duwan ayaa ilaa iyo hadda ka soo baxaya madaafiic barqanimadii maanta lagu weeraray degmada Qandala ee gobolka Bari oo ay dhawaan la wareegeen kooxo sheegtay in ay ka tirsan yihiin Daacish.

Wararka qaar ayaa sheegaya in duqeynta laga soo riday maraakiib dagaal oo ku sugan agagaarka xeebta degmadaasi, halka kuwa kalana leeyihiin in duqeynta ay geysteen diyaarado dagaal oo dul heehaabayay magaalada.

Lama oga khasaaraha duqeynta ka dhashay, balse waxaa cabsi horleh ay soo wajahday shacabka ku sugnaa degmada Qandala ee gobolka Bari.

Maalmo ka hor kooxda Daacish ayaa tagtay degmadaasi, waxaana 80 kamid ah dagaalyahanada Daacish taageersan ay gudaha u galeen degmada.

Ugu danbeyntii, degmada  Qandala oo ah magaalo xeebeed waxay 75 km u jirtaa magaalada Boosaaso ee gobolka Bari.

Wixii warar ah ee ka soo kordha waan idin soo gudbin doonnaa..

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!