Madaafiic lagu weeraray xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya

by admin | Thursday, Feb 26, 2015

Muqdisho : HN :–Madaafiic aan la ogeyn halka laga soo tuuray ayaa maanta kusoo dhacay xarunta madaxtooyada Somalia, waxayna cabsi ku abuureen dadka u dhaw xarunta madaxtooyada dalka.

Hoobiyayaasha ayaa qaarkoood la sheegay in ay madaxtooyada gudaha ugu dhaceen, sida ay xaqiijiyeen dad ku sugan, iyagoo ku dhacay goobo gaadiidka la dhigto oo ku yaalla gudaha xarunta madax-tooyada Soomaaliya.

Ciidamada amniga ayaa xiray waddooyinka laga galo xarunta madaxtooyada Soomaaliya, kuwaasoo dadka u diidaya inay gudaha uMuqdisho1 galaan madaxtooyada iyo guryaha ku dhow.

Sidoo kale, waxaa hoobiyeyaal ay ku dhaceen agagaarka safaaradda Jabuuti oo u dhaxeysa madaxtooyada iyo tiyaatarka Qaranka, inkastoo aan la ogeyn khasaaraha ay geysteen.

Ma jirto cid sheegatay inay mas’uul ka tahay madaafiicda lagu weeraray Villa Somalia oo ah halka ay ku shaqeeyaan madaxda dowladda Somalia, laakiin Al-shabaab ayaa horay u sheegatay mas’uuliyadda madaafiic lagu weeraray madaxtooyada Somalia.

Hiiraan net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!