Madaafiic lagu weeraray xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya

by admin | Saturday, Jan 10, 2015

Muqdisho : HN :–Madaafiic loo adeegsaday qoriga hoobiyaha ayaa subaxnimadii hore ee saakay lagu weeraray xarunta Madaxtooyada, xilli shirka wasiirada Arrimaha Dibada IGAD uu ka socday Hotelka SYL, iyadoo shirkan aanu wax carqalad ah ku yeelan madaafiicda soo dhacay.

Inta la og-yahay ilaa  shan ruux oo saddex ka mid ah ay dumar ahaayeen ayaa ku dhaawacmay madaafiicdan oo aan ilaa iyo iminka cid sheegatay jirin, hase ahaatee ciidamada la sheegay inay durbaba ku baxeen goobo la tuhunsan yahay in madaafiicda laga soo gamay.

Goob joogayaal ku sugan xaafadaha degmada Wardhiigley ayaa sheegay inay maqleen dhowr madfac oo soo dhacay, iyagooMuqdisho arkay dhaawacyada dhowr ruux.

Ma jirto ilaa iyo hada wax war ah oo ka soo baxay Hey’adaha ammaanka oo ku aadan madaafiicdan saakay barqadii la maqlay, sidoo kale ciidamada ammaanka ayaa labadii maalmood ee u dambeysay waday howl galo lagu sugayay amniga.

Al-Shabaab ayaa horay u sheegatay labo weerar oo sanadkii 2014 lagu qaaday xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya oo ah halka ay degan yihiin Madaxda ugu sareysa dowladda.

Si kastaba ha ahaatee madaafiicdan la soo tuuray ayaa ku soo aaday xilli uu shir uga socday magaalada Muqdisho Wasiirada Arrimaha Dibada IGAD, iyadoo wadooyinka loo xiray, si loo sugo amnigooda.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!