Madaafiic xalay lagu garaacay Muqdisho iyo madaxda dowlada oo ka shiray

by Yahye | Wednesday, Dec 5, 2012 | 9 views

Muqdisho: HN: Waxaa Xalay mar qura dadka muqdisho ku soo tooseen weeraro madaafiic ah oo aan la ogeyn ilaa iyo iminka halka laga soo riday, madaafiicdaas oo qasaare geeytay.

Madaafiicda xalay lagu weeraray muqdisho kadib ayaa maanta masuuliyiinta Dowladda Soomaaliya waxa ay yeesheen kulan ballaaran oo ammaanka Magaalada Muqdisho looga hadlayo.

Kulanka oo ka dhacay Guriga Ra’iisul Wasaaraha Soomaliya ayaa waxaa kasoo qeybgalay Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ahna kusimaha Madaxweynaha dalka Soomaaliya Maxamed Cusmaan Jawaari Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo saraakiil ciidan.

Ujeedka kulanka ayaa wuxuu ahaa madaafiicda xalay lagu garaacay Degmooyin kamid ah Gobalka Banaadir waxaana masuuliyiinta Dowladda ay si adag uga hadleen arintaasi.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaliya ahna kusimaha Madaxweynaha dalka Maxamed Cusmaan Jawaari oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay ka daba tagayso ragii ka dambeeyay weerarka madaafiicda ee xalay ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha dalka Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa isna dhankiisa sheegay in waxyaabaha xalay ka dhacay Magaalada Muqdisho ay yihiin arin aan loo dulqaadin karin.

Cabdi Faarax Shidroon Saacid Ra’iisul Wasaaraha dalka Soomaaliya ayaa sheegay in saraakiisha ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed ay wadaan baaritaan ku aadan in cidii ka dambeysay arintaasi gacanta lagu soo dhigo.

Ammaanka Magaalada Muqdisho ayuu shegay inay ku dadaalayso Dowladda Soomaaliya si shacabka Soomaaliyeed ay nabad ugu seexdaan.

Hiiraan Net
Like it? Share it!