madasha oo isku afgaratay waqtiga la qabanayo doorashada G Baarlamaanka iyo Madaxweynaha

by wadani | Thursday, Dec 8, 2016

Muqdisho : HN :- Hogaamiyayaasha madasha-wadda-tashiga Qaran ayaa isku afgartay xilliga rasmiga ah ee ay dhaceyso doorashada Madaxweynaha iyo Guddoonka Baarlamaanka, iyadoo maalintii labaad uu galay shirka uga socda magaalada Muqdisho.

Ilo wareedyo ku dhow dhow shirka Madasha Wada-tashiga Qaran ayaa u xaqiijiyay warbaahinta in qodobo horu dhac ah la isku afgartay, hase ahaatee ay wali wax ka dhiman yihiin tabashada Puntland ee xubnaha Aqalka sare ee Gobolada Waqooyi.

Wararka ayaa sheegaya in Madaxda ay isku raaceen in 15-ka bishan la dhaariyo Xildhibaanada Baarlamaanka, isla markaana Guddoonka Baarlamaanka la doorto 22-ka bishan.

Sidoo kale doorashada Madaxweynaha ayaa dhaceysa 28-ka bishan, sida Madaxda Madasha iyo Wakiilada Beesha Caalamka isku afgarteen.

Ergeyga Qaramada Midoobey Micheal Keating ayaa ku celiyay in doorashada aanay dhaafi karin bishan gudaheed, maadaama shirka Golaha Ammaanka ee dhacaya horaanta bisha Janaayo ee sanadka cusub 2017 laga sugayo inuu warbixin ka jeediyo, sidoo kale waxaa shirkaas khudbad qadka la iska arko (Video Confrence) ka jeedin doona Madaxweynaha cusub ee la doorto.

Hase ahaatee caqabado wali ka jira dhameystirka hanaanka doorashada iyo arrinta Aqalka Sare ee Somaliland ayaa waxaa ay ku keeni karaan dib u dhacyo mar kale soo wajaha doorashada Soomaaliya ee sanadka 2016.

Dhinaca kale Guddiga doorashooyinka dadban iyo Guddiga madaxa banaan ee xalinta khilaafaadka oo warbixin laga dhageystay ayaa sheegay in 25 kiis oo cabashooyin la haayay lagu soo koobay 8 kiis, isla markaana sida ugu dhaqsiyaha badan 8-da kiis ee taagan lagu xalin doono, waxaana ay u badan tahay kuraas qaarkood muran ka dhashay in la diido oo dib loo celiyo.

Ugu danbeyntii, madaxda Madasha Wada-tashiga Qaran ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda ay war murtiyeed ka soo saaraan shirkooda, iyadoo la sheegayo in qeyb ka mid ah War murtiyeedka uu diyaarsan yahay, ayna ka dhiman yihiin qodobo qaar oo aan wali la isku afgaran.

Dhamaad

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!