Madasha wada tashiga oo talada lagala wareegay wixii hada ka danbeeya

by wadani | Tuesday, Dec 27, 2016

Muqdisho : HN : -Kaddib munaasabadii dhaarta xildhibaannada ee maanta ka dhacday magaalada Muqdisho ayaa waxaa la sheegay iney talada dalka wixii hadda ka dambeeya lagala wareegay hogaamiyeyaasha madasha wada tashiga Qaran oo ka kooban madaxda maamul goboleedyada iyo madaxdii hore e dowlada Somalia.

Guddoomiye ku-xigeenkii Baarlamankii hore ee Somalia Mahad Cabdalla Cawad oo ka hadlayey munaasabada kulankii dhaarinta xildhibaanada cusub ayaa sheegay in Madasha wada-tashiga Qaran aanay talada dalka laheyn wixii hadda ka dambeeya, isla markaana Baarlamaanka hadda jira ee 10aad uu yahay midka kaliya ee ka taliya dalka.

Mahad ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay shuruudaha doorashada guddoomiyaha Baarlamanka iyo Madaxweynaha Somalia ee ay soo bandhigtay madasha wada taashiga, waxaana uu sheegay in Baarlamaanka cusub uu ka doodi doono shuruucda doorashada Madaxweynaha iyo Guddoonka Baarlamanka.

“Go’aanadii ka soo baxay Madasha waxay ahaayeen soo jeedin ah, waxaa go’aanka ugu dambeeya gaaraya Baarlamaanka talada dalka la wareegay wixii ka dambeeya maanta” ayuu yiri Mahad Cawad.

Ugu danbeyntii, hogaamiyayaasha madasha wada tashiga ayaa dadka naqdiya waxaa ay ku dhaliilaan in ay sharci daro kula wareegeen howlihii baarlamaankii kan  horeeyay, iyaga oo madal ama marjac u noqday dhamaanba geedi socodka siyaasada Somaaliya, iyaga oo waliba iska soo saaraaya mar walba go’aamo iska horimanaya.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!