Madasha-wadatashiga oo magacaawday gudiga gurmadka abaaraha ee heer Qaran

by wadani | Tuesday, Dec 20, 2016

Muqdisho :HN :-Kulan Maanta ka dhacay Madaxtooyada Soomaaliya oo ay goobjoog ahaayeen Hogaamiyaasha Madasha wada-tashiga Qaran iyo Beesha Caalamka ayaa lagu soo bandhigay Guddiga Qaran ee Gurmadka Abaaraha oo Madasha Wada-tashiga ay dhistay.

Guddiga oo ka kooban 9 Xubnood ayaa kala ah Wasiirka Arrimaha Gudaha DFS,Wasiirka Maaliyadda DFS,Wasiirka Warfaafinta DFS,Wasiirka Qorsheynta Puntland,Wasiirka Qorsheynta Jubbaland, Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha hoose ee Koofur Galbeed, Wasiirka Beeraha iyo Xanaanada Xoolaha Galmudug,Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Madaxweynaha Puntland C/wali Gaas oo Kulanka ka hadlay ayaa sheegay in Ummadda Soomaaliyeed looga baahan yahay in ay ka qeyb qaataan Gurmadka loo sameynayo Dadka ay Abaartu sameysay,maadaama Dadka inta badan ay Xoolihii dhaafeen.

Ugu danbeyntii, madaxweynaha Soomaaliya ayaa dhankiisa sheegay in Guddiga la Magacaabay ee ka kooban Dowladda dhexe iyo Dowlad Goboleedyada ay irid kasta garaaci doonaan islamarkaana ay qeyladooda kaarsiin doonaan Caalamka oo dhan.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!