Madaxa midowgga Africa oo tagay magaalada Kismaayo

by admin | Saturday, Feb 14, 2015

Kismaayo : HN :– Magaalada Kismaayo oo saldhig u ah dowlad-gobolledka Jubbaland waxaa gaaray madaxa ugu sareera howlgalka AMISOM ee Soomaaliya,si weyn ayaana halka loogu soo dhaweeyay.

Madaxa howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM),Maman Sidikou oo ay waheliyaan saraakil kale oo ka tirsan howlgalka,waxuu la shiray Kismaayo madaxweyne ku-xigeenka labaad ee maamulka Jubba, Cabdiqaadir Lugadheere iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan maamulka.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii gobollada Jubbooyinka dib looga billaabi lahaa howlgalka milateri ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Madaxweyne ku-xigeenka Jubbaland oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in kulanka diiradda lagu saaray sidii kooxda al-Shabaab looga saari lahaa magaalooyinka Jilib iyo Jamaame ka hor bisha March ee sanadkan.

Wuxuu intaas raaciyay in howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya uu xafiis ka furan doono magaalada Kismaayo.544x384x325.jpg.pagespeed.ic.WQtlGVG-Ay

“Ciidamada AMISOM iyo kuwa Jubbaland oo iskaashanaya ayaa howlgalka si wadajir ah u fulin doona, waxayna howlgalladan ku wajahanyihiin goobaha ay gacanta ku hayaan maleeyshiyaadka nabad-diidka ah, saraakiisha AMISOM-na waan ka wada hadalnay arimahaasi wayna nala qaateen,” ayuu yiri madaxweeyne ku-xigeenka.

Deegaanno ka tirsan Jubbooyinka waxaa wali ku sugan dagaallamayaasha al-Shabaab,balse qorsha xilligan waxuu yahay sidii looga saari lahaa dhulka ay wali ku harsan-yihiin.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!