Madaxda dalka oo ka tacsiyeeyay geeridii ku timid taliyihii ciidanka Booliska

by Yahye | Thursday, Oct 30, 2014

Muqdisho; HN;- Madaxweynaha, Raisulwasaaraha iyo gudoomiyaha baarlamaanka ayaa ka tacsiydeeyay geeridii ku timid allaha u naxariistee Gen.Maxamed Sheekh Xassan Ismaaciil oo ahaa taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed .
Xasan Sheekh, Cabdiweli iyo Jawaari ayaa ummadda Soomaaliyeed tacsi tiiraanyo leh u diray.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa isogoo ku sugan wadanka isku taga imaaraadka carabta ummadda Soomaaliyeed, Ciidanka Booliska iyo ehelkiisaba uga tacsiyadeeyay geerida taliyaha ciidanka Booliska isagoo xusay in Generaalku ahaa wadani muujiyay karti iyo howlkarnimo muddada kooban ee uu xilkan hayay.

Mudane Xassan Sheekh Maxamuud waxa uu ku tilmaamay allaha u naxariistee Generaal Maxamed Sheekh Xassan nin waqti badan oo noloshiisa ka mid ah ku bixiyay sidii ay amni iyo kala dambeyn u heli lahaayeen dadka iyo dalka Soomaaliyeed taasoo ugu dambeyn isagoo ummadiisa u adeegayo uu alle oofsaday.

Gudoomiye jawaari oo xiligan ah Ku simaha Madaxweynaha Dalka ayaa yiri anigoo ku hadlaya magaceyga, magaca Madaxweynaha iyo magaca Xildhibaannada Golaha Shacabka waxaan ka tacsiyadeynayaa geerida naxdinta leh ee ku timid Allaha u naxariistee walaalkeen General Maxamed Xasan oo ahaa Taliyihii Ciidammada Booliiska Soomaaliyeed,waxaan Alle uga baryayaa inuu naxariistiisa jano siiyo,dhammaanteenna uu samir iyo iimaan naga wada siiyo”.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed  ayaa yiri anigoo ku hadlaya Magaciisa, kan Xuumadda iyo kan shacabka Soomaaliyeed ayuu Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed tacsi u diray qoyskii asxaabtii iyo Ciidamadda Booliska Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday S/G Maxamed Sheekh Xasan Ismaaciil, waxana uu ugu duceeyey in Illaah janadii Fardowso ka waraabiyo.

Hiiraan Net

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!