Madaxda DF iyo mas’uuliyiinta maamul gobolleedyada oo xalay munaasabad ka wadda qeyb-gallay

by admin | Friday, Feb 6, 2015

Muqdisho : HN :–Munaasabadaan casho shaarafta ah ee uu soo qaban qaabiyay maamulka Gobolka Benaadir, laguna soo dhayweynayay Madaxda Maamul Goboleedyada dalka, isla markaana ay ka qeyb galeen Madaxweynah Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Guddoomiyaha Baarlamaanka, Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, qeybaha kala duwan ee bulshada iyo xubno kale ayaa xalay lagu qabtay xarunta Dowladda Hoose ee magaalada Muqdisho.

Ku-simaha Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Guddoomiye ku-xigeenka Maamulka iyo maaliyadda Mudane Ismaaciil Macalin Cabdi Guure oo ugu horeyn qaatay kalmadda soo dhaweynta ah ayaa sheegay in maamulka iyo bulshada ku nool Gobolka benaadir ay farxad u tahay soo qaban qaabinta munaasabada.

Madaxda Maamul Goboleedyada Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Koonfurgalbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Jubbalandmunaasabad-6 Axmed Maxamed Islaam “Axmed Madoobe” oo si wada jir ah goobta hadalo uga jeediyay ayaa waxa ay sheegeen in guud ahaan Soomaalida ay sharaf u tahay in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya uu Madaxda Maamul goboleedyada ugu yeero shir wada tashi ah oo looga hadlay aayaha dalka.

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke oo isna munaasabadda ayaa sheegay in shirka Madaxweynuhu uu ku casuumay Madaxda Maamul goboleedyada uu yahay mid loogu gogol xaarayo xoojinta midnimada Ummadda Soomaaliyeed.

Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari Guddoomiyaha baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegay in shirka madaxda Dowlad Goboleedyada iyo dowladda dhexe ay noqdaan kuwa si dastuuri ah laga dhigo, isla markaana la joogteeyo shirarka nuucaasi oo kale ah.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ugu dambeyntii khudbad dheer oo dhinacyo badan taabaneyso ka jeediyay munaasabadda ayaa uga mahadceliyay Madaxda Dowlad goboleedyada sida ay u ajiibeen u yeeritaanka uu u yeeray, waxaana uu intaa ku daray in shirarka u dhexeeya dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada la joogteyn doono.

Fanaaniinta hobollada Qaranka ee Waaberi, shamsudiin band, benaadir band, bar baarta gaashaaman iyo Ubaxa ayaa goobta ku soo bandhigeen suugaan ka turjumeysa midnimada Ummadda Soomaaliyeed.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!