Madaxda dowladda oo ka digtay xayiraada xaawaalladaha iyo sameynta ay keeni karaan

by admin | Wednesday, Apr 8, 2015

Muqdisho : HN :–Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xassan Sheekh Max’uud iyo ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa qoraal ay wadda jir u soo saareen waxaa ka digeen xayiraada xawaalladaha Soomaalida iyo saameynta laga yeebo in ay keenaan.

Warka ka soo baxay labada mas’uul ee dowladda ugu saraysa waxaa ay ku sheegeen in haddii ay sii socoto arrintan ay caqabad ku keeni karto dhaqaalaha dalka iyo dadaalka dowladda ay dib uga soo celinayso nabadda dalka maadaama lacagaha dibadda dadka Soomaaliyeed ay kasoo diraan ay ku tiirsan tahay dowladda Soomaaliya

Xasan Sheekh iyo Sharma’arke ayaa ka hadlay muhiimadda ay xawaaladaha u leeyihiin shacabka Soomaaliyeed, waxaana haddii la xiro620x330xcumar_iyo_Xasan-620x3301.jpg.pagespeed.ic.J4ZLO-5_ny ay sheegeen ay dhibaato ku noqoneyso nabada iyo dib u dhiska Soomaaliya.

Afhayeenka madaxtooyada Soomaaliya, Daa’uud Aweys oo ka hadlayay qoraalkan ayaa sheegay in bangiyada waaweyn ee dalka Mareykanka ay joojiyeen wada-shaqeynta ay la lahaayeen xawaaladaha Soomaalida iyo adeegyadii ay fulin jireen, taasoo uu xusay inay saameyn ballaaran ku yeelatay dad badan oo ku tiirsan lacagaha dibada laga soo diro.

“Si Arrintan looga hortago dowladda Soomaaliya waxay ka shaqaynaysay in la nidaamiyo habka loo maamulo xawaaladaha Soomaalida lacagaha ka yimaada si ay ugu dhacaan gacantii loo baahnaa lacagahaasi bangiga dhexe ee dalka oo hadda shaqeynaya kasoo leh qubaro arrimahaas ku xeel-dheer si loo sameeyo wada-shaqayn ay yeeshaan bangiga dhexe ee Somalia iyo kuwa caalamka,” ayuu yiri Daa’uud Aweys.

Inta badan waxaa lugu haysta xawaaladaha Soomaalida in ay dhaqaalo loo marsiiyo kooxda al-Shabaab oo khatar ku ah amniga gobolka,balse taas waxaa la sheegay inaysan jirin oo xawaaladaha dadka adegsada ay yihiin dad rayid ah.

Hiiraan Net.
___

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!