Madaxda Qaranka oo wadda jir uga qeyb-gashay aas loo sameeyay taliyihii ciidamada booliiska

by admin | Sunday, Nov 2, 2014

unnamed-17Muqdisho : HN :– Madaxda ugu sareysa dalka ayaa ka qeyb galay Aas Qaran oo gelinkii danbe ee maanta loogu sameeyay Dugsiga tababarada ciidamada booliiska ee General Kaahiye, Taliyihii Ciidamada Booliska Soomaaliyeed S/G Maxamed Sheekh Xasan Ismaaciil oo oo maalintii khamiista ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, Guddoomiyaha Baarlamaanka Mudane Maxamed Sheekh Cismaan “Jawaari”, Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed, Xubno ka tirsan labada gole ee dowladda, Saraakiisha Ciidamadda dalka, Siyaasiyiin, iyo dadweyne kale ayaa wadajir marxuumka ugu tukaday Salaadda Jannaasada

unnamed-19Allaha u naxariistee Taliyihii hore ee Ciidamada Booliska Maxamed Sheekh Xasan Ismaaciil ayaa khamiistii u geeriyooday xanuun deg deg ahaa, waxaana Meydkiisa oo loo qaaday dalka Kenya, baaritaan lagu soo sameeyay kadib ayaa la xaqiijiyay in xanuun dhinaca sambabada uu u geeriyooday.

unnamed-21Madaxda dowladda iyo dadkii kale waxay alle uga baryeen in uu jannaadiisa ka waraabiyo ehelladiisa iyo ummada Soomaaliyeed ee uu ka baxayna samir iyo iimaan uu ka siiyo.

Hiiraan net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!