Madaxda ugu sareysa dowladda federaalka oo xalay kulan gaar ah wadda qaadatay

by admin | Monday, Nov 3, 2014

Muqdisho : HN :– Shir waqti dheer leysku qaatay oo si guud iyo si gaar gaar ah intaba u dhaxmaray madaxda ugu sareysa Qaranka sidda madaxweynaha. rai’iisal wasaaraha iyo guddoomiyaha baarlamaanka ayaa xalay ka dhacay xarunta madaxtooyada Soomaaliya.

Wararka laga hellayo kulanka ayaa sheegay in looga hadlay xaaladihii u dambeeyay ee xiisada siyaasadeed iyo sida loo soo afjari karo, waxaana kulankan madaxdu isla soo qaadeen war murtiyeedkii sida gaar gaarka uga soo baxay Wakiilka Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya iyo Wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya, kaasoo walaac looga muujiyay khilaafka Madaxda dowladda iyo inuu saameyn ku yeesho dadaalada la doonayo in sanadka 2016 lagu gaaro doorasho si cadaalad ah u dhaco.

Ilo muhiim ah ayaa sheegaya in Madaxda dowladda ay ka baaqsanayaan fara gelin dibada ah iyo walaaca ka soo yeeray beesha caalamka inuu horseedo Road Map cusub oo awoodo gaar gaar ah ku lahaadaan madaxda dowladda inta laga gaarayo sanadka 2016.

Waxaa dhinaca kale wararku sheegayaan in guddoomiyaha baarlamaanka isku dayayo baajinta mooshin laga keeno ra’iisul wasaaraha,madaxda_iyo_xaflad_2 kaasoo ololihiisa maalmihii u dambeeyay ka socday Muqdisho, si taas meesha looga saarana dib loogu laabto isku shaandheynta, lana xaliyo arrimaha la isku haayo.

Inkastoo aan ilaa iyo hada la soo sheegin is afgarad dhex maray madaxda, hadana waxay u badan tahay in arrinta sulux lagu dhameeyo, si howsha u socoto.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa dhankiisa ka muuqata kalsooni badan, kadib war saxaafadeedyadii ka soo baxay Qaramada Midoobey iyo Midowga Yurub, iyadoo suura gal tahay in Mareykanka uu ayido baaqii Ergeyga Qaramada Midoobey iyo walaaciisa ku aadanaa xiisadaha siyaasadeed.

Baaqii Nicholas Kay iyo walaaciisa ahaa in Xildhibaanada codkooda lacag siistaan ayaa keeni kara inuu dhabar jab ku noqdo mooshinka maalmahan la kar karinayay, waxaana dhici karta in hadalkaas si kulul uga jawaabaan Xildhibaanada Baarlamaanka.

Si kastaba ha ahaatee waxaa la filayaa in Madaxda dowladda ay saacadaha soo socda soo saaraan jawaabo ay ka bixiyaan war saxaafadeedyadii ka soo baxay Qaramada Midoobey iyo Midowga Yurub oo ay ugu yaraan ku laab-qaboojiyaan walaaca ka soo yeeray.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!