Madaxdii degmada Buulo Burte oo xabsi loo taxaabay

by admin | Wednesday, Jan 21, 2015

Muqdisho; HN;- Waxaa xabsiga magaalada Buulo burte loo taxaabay gudoomiyihii iyo duqii degmadaasi kadib markii lagu helay inay musuq maasuq sameeyeen.

Xariga guddoomiyaha degmada Bula burde Duqa Degmadaasi, ayaa yimidy kaddib markii sida uu sheegay xafiiska xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka ay ku heleen lunsasho raashin gar gaar oo loogu talo galay dadka ku go’doonsanaa Bula Burde, waxaana xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka uu sheegay in markii hore ay degmadaasi u direen saraakiil isugu jirta Nabad sugid iyo boliisa kuwaa baaritaan ku soo sameeyay arrinkaasi ayna ku ogaadeen eedeysanayaashaasi in ay lunsadeen raashinkaasi ayna ku jiraan xabsi ku yaala magaalada Bula burda ayna la xiran yihiin dad kale oo ay ku jiraan ganacsatadii iibsatay raashinkaasi.

Shir jariid oo ay si wada jir ah magalada muqdisho ugu qabteen xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka iyo ku xigeenkisa ayaa faah faahin ka bixiyay.Xeer_ilaaliyaha_Guud_ee_Qaranka

Ku xigeenka koowaad ee xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka mudane Axmed Cali Abuukar oo la hadlay warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in caawa ay xiran yihiin guddoomiyaha degmada Bula burte iyo duqa degmadaasi, kaddib markii eed ay ku yeesheen wax isdaba marin, isagoona sidoo kale sheegay in si ku meel gaar ah maamulka halkaasi ay ugu soo wareejiyeen Guddoomiye ku xigeenka Degmadaasi ee dhinaca maaliyadda.

Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Axmed Cali Daahir oo isna la hadlay warbaahinta ayaa waxa uu ka hadlay eedaasi, isagoo faah faahin ka bixiyay sida dhibka badan loogu geeyay raashinkaasi dadka ku go’doonsan magaalada Bula burde, waxaana wax laga xumaado uu ku tilmaamay in la lunsado raashinkaasi oo loogu talo galay dad go’doon ku jira, isagoo wacad ku maray in marnaba aysan ka hari doonin dadka caadeystay lunsashada hantida dadweynaha ayna sharciga soo taagi doonaa.

Hiiraan Net

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!