Madaxii hore ee sirdoonka Qaranka oo dowladda DF ku matalaya shir ammniga loo hadlayo

by admin | Wednesday, Feb 4, 2015

Muqdisho : HN :– C/llaahi Max’ed Cali Sanbaloolshe oo horay u soo noqday madaxii sirdoonka Qaranka Soomaaliya dhinaca kalana ka mid ahaa xubnihii gollaha wasiirrada la kala dirray ayaa Soomaaliya ku matalaya shir looga hadllayo ammniga qaarada Africa iyo la dagaallanka argagixisada.

Shirka oo ka dhacaya ama ka furmaya isla maanta magaalada London, waxaa lagu dhageysan doonaa warbixinno ku saabsan arrimaha looga hadlayo, iyadoo kulankan intiisa badan lagu falan-qeyn doono ammaanka Qaaradda Afrika, waxyaabaha caqabadda ku ah.

mudada uu kulanka socdo ayaa xubnaha ka qaybgalaya waxay faahfaahinno ka bixin doonaan dhibaatooyinka dhinaca argagaxisada iyo201497635456685593713650sanbaloolshe amniga ah ee Afrika ka jira, si ay xal waafi ah uga gaaraan.

Kulankan oo noqonaya kii labaad oo looga hadlayo arrimaha argagaxisada iyo amniga Afrika, ayaa sannadkan waxaa lagu eegi doonaa khataraha sida aad ah ugu hor-gudban waddamada Afrika.

Mudane Sanbaloolshe ayaa lagu wadaa inuu shirkaas ka jeediyo khubad ku aaddan amniga Soomaaliya, gaar ahaan la dagaalanka waxa loogu yeero argagaxisada; iyadoo dowladda Soomaaliya ay dagaal kula jirto Xarakada Al-shabaab.

Si kastaba ha ahaatee, madaxii hore ee sirdoonka Somalia ayaa bishii hore loo magacaabay wasiir amniga Qaranka, inkastoo xukuumaddaas uu dib uga laabtay ra’iisul wasaare Cumar C/rashiid oo sheegay inuu ka baqay inay kalsooni ka heli waydo baarlamaanka.

Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!