Madaxii sirdoonka dalka Rwanda oo lagu xiray magaalada London

by admin | Tuesday, Jun 23, 2015

London : HN :–Madaxii Sirdoonka dalka Rwanda Karenzi Karake ayaa Sabtidii lagu xiray garoonka diyaaradaha Heathrow ee magaalada London.

Booliska wax musaafuriya ayaa General Karake xiray, waxaana uu dhowr jeer uu safaro ku yimid dalka Ingiriiska.
Xarigan ayaa waxaa uu ka dambeeyay markii Midowga Yurub ay ka dalbatay dowladda Britain inay qabato General Karake.

Karake ayaa dalka Spain laga doonayaa, waxaana Maxkamad ku taal dalkaas ay sanadkii 2008-dii soo bandhigtay liiska afartan sarkaal sifoewooo uu ku jiro in loo heysto tacadiyo la xiriira xasuuq dhacay sanadkii 1994.

Maxkamadda Spain ayaa ku eedeysay General Karenzi Karake inuu amray dil wadareed dhacay intii uu ahaa Madaxa Sirdoonka Ciidamada Milateriga Rwanda

Ninkan oo 54 ah ayaa la filayaa in xabsiga lagu sii haayo, inta Maxkamad laga horkeenayo Maalinta Khamiista ah.

Sanadkii 1994 bilihii u dhaxeeyay April iyo June waxaa la dilay dad lagu qiyaasat 800,000 oo ruux, kuwaasoo loo dilay dagaal dhinaca qabaa’ilka ah oo lagu laayay qabiilka laga tirada badan yahay ee Tutsi.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!