Madaxii sirodoonka Mareykanka oo is-casishay

by admin | Thursday, Oct 2, 2014

JulllWashington : HN :– Agaasimahii hay’adda Sirdoonka Maraykanka,Julia Pearson ayaa xilkii ay haysay iska casishay,kaddib labo dhacdo oo isxigay oo hal bil gudaheed khatar galiyey amniga madaxweynaha Maraykanka Barack Obama. Labada dhacdo ayaa ka kala dhacay magaalooyinka Washington, DC iyo Atlanta ee gobolka Georgia.

Afhayeenka madaxweynaha ayaa sheegay in Ms Pierson ay qaaday masuuliyadda dhalliilaha loo jeedinayo laanta ay hogamineysay.

Afhayeenka madaxweynaha Mareykanka ayaa ammaantay xirfadda Ms Pierson, laakiin waxay sheegtay inay aqbashay masuuliyadda dhalliilaha la soo gudboonaatay laantii ay madaxa ka ahayd.

Arrintan meel kaga dhaca amniga waxay ahayd qiyaastii laba isbuuc ka hor, balse 24-kii saac ee ugu dambeeyay, waxey xaaladda si gaar ah ugu xumeyd agaasimaha laanta sirta, Julia Pierson.

Waqti xaddidan ayaa la siiyay markii ay ka hor muuqatay guddi ka socday Kongreeska shalay.

Xilli kastaa waxaa soo bexeysay eed cusub, waxaa markii hore la sheegay in si dirqi ah uu nin kan kaga gudbay albaabka Aqalka Cad, kaddib waxaa shaaca laga qaaday asigoo bartamaha dhismaha ku sugan ka hor inta aanan awood loo adeegsan.

Shalay waxaa daaha laga rogay in laba isbuuc ka hor, askeri ilaale ah oo sita qori, oo ay la socdaan seddax qof oo la xukumay oo Madaxweyne Obama la saran wishka guryaha lagu koro, taas oo si cad u dhaaweceysa anshaxa laanta sirta, ee qaabilsan ilaalada madaxweynaha.

Aqalka cad ayaa shalay sheegay inay weli ku kal soon yihiin Ms Pierson, dhowr saac kaddib markii ay sharaxayeen sababta ay sax u tahay inay is casisho.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!