Madaxtooyada oo dalbatay in baaritaan lagu sameeyo eedeyntii hanti dhowrka Qaranka

by admin | Thursday, Jan 22, 2015

Muqdisho : HN :–Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qoraal uu xafiiskiisa kasoo saaray ku sheegay inuu si weyn uga walaacsan yahay eedeymaha uu soo jeediyey Hanti-dhowrka Guud ee Qaranka, kuwaasoo ku aaddan in madaxtooyadu ay hortaagan tahay howlo ay xafiiska Hanti-dhowrku wadeen.

War-ka soo baxay xafiiska madaxweynaha kasoo baxay ayaa lagu sheegay inay ka dal-banayaan Xeer-ilaaliyaha guud ee Qaranka inuu baaritaanno deg-deg ah ku sameeyo eedeymaha kasoo yeeray Hanti-dhowrka guud.

Sidoo kale, qoraalka ayaa lagu dusay in xafiiska madaxtooyada ay ka go’an tahay inuu mar walbana taageero hufan la garab-istaagoMadaxweynaha sidii uu xafiiska Hanti-dhowrka guud uu howlihiisa ugu gudan lahaa si wanaagsan.

Hanti-dhowrka guud ee dalka, Nuur Jimcaale Faarax ayaa maalin ka hor ku sheegay shir jaraa’id oo uu Muqdisho ku qabtay in howlaha xafiiskiisa oo u badan baaritaanno dhinaca hantida Qaranka ah oo lagu hayay hay’ado ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Dr. Nuur Jimcaale ayaa sheegay in ilaalada madaxtooyada ay u diideen inay shaqaalaha xafiiskaas oo tan iyo 1975-kii ku howlgalayay inay galaan, isla markaana isaga naftiisa halis la geliyay, kaddib markii dhibaatooyin kala duwan ay u geysteen ilaalada madaxtooyada Soomaaliya.

Si kastaba ha ahaatee, arrintan ayaa u muuqanaysa khilaaf cusub oo soo dhex-galay hay’adaha dowladda, iyadoo aanu weli jirin wax war ah oo ku saabsan arrintan oo kasoo baxay xafiiska Xeer-ilaalinta dalka.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!