Madaxtooyada Soomaaliya oo ka jawaabtay hadalkii ka soo yeeray ra’iisal wasaare Sharm’arke

by wadani | Saturday, Dec 3, 2016

Muqdisho : HN :-Madaxtooyada Soomaaliya ayaa si adag uga jawaabtay hadalk maalintii shalay uu magaalada Kismaayo ka sheegay ra’iisal wasaaraha xukuumada Soomaaliya ee ahaa in dalku u baahan yahay isbadal dhinaca hogaanka ah

Agaasimaha Warfaafinta ee Madaxtooyada Shador Xaaji Maxamuud ayaa qoraal uu soo saaray waxaa uu ku tilmaamay hadalkaas mid aan loo baahneyn oo ka fog anshaxa doorashooyinka isla markaasna uu ka leeyahay dano gaar ah.

“Waxaa wanaagsan inuu Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashid,  ilaaliyo anshaxa doorashooyinka iyo mas’uuliyadda wali uu u hayo dalka ee Ra”iisul Wasaarenimo, ma wanaagsana in uu  ololaha doorashadiisa shaqsiydeeyo”ayuu yiri Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Shador Xaaji Maxamuud

Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada oo sii hadlayay ayaa yiri “Madaxweyne Xasan Sheekh , wuxuu mudan yahay in lagu aammaano difaacida  dananaha dalka iyo dadka Soomaaliyeed iyo diidmada faragelinta tooska ah ee  shisheeyaha, Madaxweynu mar walba waa ka go’an tahay illaalinta xaduudaha dalka ee dhanka badda Iyo bariga” ayuu yiri  Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada.

Hadalkan jawaabta ee ka soo baxay Madaxtooyada ayaa muujinaya heerka uu gaaray loolanka u dhaxeeya Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha oo labaduba ah Musharaxiin u taagan xilka Madaxweynaha.

Ugu danbeyntii, Cumar C/rashiid ayaa olole xooggan ka wada xarumaha maamul goboleedyada, isagoo taageero ka raadinaya Xildhibaanada laga soo doortay, waxaa la rumeysan yahay inuu taageero dhaqaale ka helayo Imaaraadka Carabta oo la sheego inuu u yahay xulashada koowaad shaqsiyaadka ay la rabto inay hoggaanka dalka qabtaan.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!