Madaxtooyada Soomaaliya oo si rasmi ah u shaacisay xil ka qaadista guddoomiyihii gobolka Banaadir

by admin | Monday, Oct 26, 2015

Muqdisho : HN :– Afhayeenka madaxtooyada Soomaaliya Daa’uud Aweys ayaa xaqiijiyay xil ka qaadista guddoomiyihii maamulka gobolka Banaadir islamarkaana ahaa duqa magaalada Muqdisho Xassan Max’ed Xusseen Muungaab.

Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir ayaa isla maanta loo magacaabay  mas’uul magaciisa lagu sheegay, Yuusuf Xuseen Jimcaale oo aan horay loogu arag saaxadda siyaasadda Somalia.

20151026635814495264886707Duqii_hore_ee_Muqdisho_Muungaab_660Ma jirto sabab rasmi ah oo la shaaciyay taa oo loo cuskaday xil ka qaadista guddoomiyaha gobolka Banaadir, hasse ahaatee dhawaan ayeey aheyd markii uu Muungaab erayo aan wanaagsaneyn saxaafadda u mariyay wasiirka ammniga Qaranka oo ay isku qabteen ama isku maadhaafeen arrimo la xiriira ammniga caasimada.

Ugu dambeyn, xil-ka-qaadista Muun-gaab ayaa imaanaysa iyadoo dhawaanahan ay dadka Muqdisho isla dhex-marayeen in xilka laga qaadi doono guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo duqa Muqdisho.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!