Madaxweye Gaas oo saacadaha soo socda laga fillayo magaalada Muqdisho

by admin | Wednesday, Feb 4, 2015

Muqdisho : HN :–Madaxweynaha maamul gobolleedka Puntland iyo mas’uuliyiinta qaar ka mid ah maamul gobolleedyada dalka ayaa lagu waddaa in saacadaha soo socda soo gaaraan magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.

Sida ay sheegayaan wararka Madaxda qaar ka mid ah maamul goboleedyada dalka ayaa la filayaa inay kulamo la qaataan madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wararka qaar ayaa sheegaya in madaxweynaha Puntland iyo madax kale oo ka socota maamul goboleedyada ay ka qeyb geli doonaan shir ka dhici doona magaalada Muqdisho oo looga hadlayo la tashiga aayaha Soomaaliya iyo Hiigsiga cusub ee sanadka 2016.

Sidoo kale Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa isna la filayaa in uu maanta soo gaaro magaalada Muqdisho,abdiweli-gas iyadoo shalay uu Muqdisho soo gaaray Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ka soo kicitimay Baydhabo.

Safarka Saddexdan Madaxweyne ayaa warar kala duwan ka soo baxayaa, waxaana la sheegaya inay muqdisho u imaanayan labo weji oo kala ah la tashi ku saabsan dhismaha Xukuumadda cusub iyo arrimo ku aadan mideynta Ciidamada gobolada dalka ku sugan.

Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa si aad ah loo adkeeyay, iyadoo la xiray wadada Maka Al-Mukarama iyo wadada aada garoonka diyaaradaha oo ay qeyb ka xiran tahay, halkaasoo ay ciidamo ku sugan yihiin.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!