Madaxweyihii FIFA Sepp Blatter oo is-casilay

by admin | Wednesday, Jun 3, 2015

Switzerland : HN :– Madaxweynihii xiriirka kubbadda cagta adduunka, ee FIFA ayaa ku dhawaaqay in uu is-casilay maalmo yar kaddib markii mar shanaad xilka loo doortay.

Sepp Blatter ayaa ka sheegay shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Zurich ee dalka Switzerland in uu is-casilay si uu u horseedoSepp-Blatter isbeddel ku yimaado xiriirka, wuxuuna sheegay in uu xilka ku wareejin doono cid kasta oo FIFA ay doorato.

Blatter  oo 79 jir ah, ayaa Jimcihii ku guuleystay doorashada FIFA oo soo hoggaaminayey tan iyo 1998.

Is-casilaaddiisa ayaa timid iyadoo xiriirku uu hareeyey fadeexado musuaq-maasuq iyo qaadasho laaluush ay dowladda Mareykanka ku eedeeysay saraakiil ka tirsan ururka. Toddoba ka tirsan FIFA ayaa loo xiray eedahaas.

Waxaa jira warar soo baxaya oo sheegaya in dowladda Mareykanka ku howlan tahay baarista in Sepp Blatter ku lug leeyahay musuq-maasuqa iyo in kale.

Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!