Madaxweynaha Burundi oo kubad iska cayaaraya xili dalka uu ka jiro jahwareer siyaasadeed

by admin | Friday, May 22, 2015

Bujumbura : HN :– Iyadoo dibadbaxo rabashado wata ay ka soconayaan dalka Burundi gaar ahaan caasimada Bujumbura, dhinaca kalana meelaha qaar laga maqlayo rasaas, dhawaanna uu dhicisoobay afgambi ay isku dayeen militariga dalkaas, ayaa dhinaca kale la arkayaa madaxweynaha Burundi Pierre Nkurunziza  oo kubad iska cayaaraya.

Madaxweynaha ayaa la sheegay in hawaayadiisu ay tahay ciyaarista kubada cagta, waxaana dad badan la yaabeen xirfadihiisa kubadda cagta iyo qaababka uu kubadda u qaato oo la mid ah sida ciyaartoyda caanka ah ee Dunida laga yaqaano oo kale.

burundi-4

burundi-6Madaxweynaha ayaa doonaya in markii saddexaad uu u qabto xilka madaxtinimada dalka, iyadoo kol hore maxkamada dastuuriga ay bedeshay qodobo ka mid ah dastuurka.

Madaxweynaha ayaa toban maalmood dib u dhigay doorashada Baarlamaanka, waxaana la filayaa in Talaadada soo socota ay dhacaan doorashooyinka.

Madaxweynaha ayaa amray in xabsiga la dhigo ilaa afar sarkaal oo qeyb ka ahaa afgabiga dhicisoobay, waxaana Sarkaalkii ku dhowaaqay afgambiga aan la ogeyn halka jaan iyo cirib uu dhigay.

burundi-2burundi-1Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!